Somaliland: Dawladda Oo Dhexda Ugu Jirta Dagaalka Diblomaasiyadeed Ee Masar Iyo Itoobiya.

Date:

Xukuumadda Oo Looga Baahan Yahay Inay xafiiltanka Diblomaasiyadeed Uga Faa’iidaysato Danaheeda Dhinaca Dhaqaalaha Iyo Siyaasadda

Dalalka Masar iyo Itoobiya oo ka mid ah wadamada ugu awoodda wayn qaaradda Afrika ayaa waxaa beryihii u dambeeyey sii xoogaysanayay dagaalka dhinaca diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya kaasoo intiisa badani uu ku qotomo masaalixda biyaha wabiga Niilka.

 

Hadaba Dawladda Somaliland ayaa iyaduna dagaalkaasi dibolamaasiyadeed door muhiim ah ka ciyaark karta iyadoo ay labada dawladood ee Masar iyo Itoobiya mid kastaaba gaarkiisa u danaynayo inuu xoojiyo cilaaqaadka uu Somaliland la leeyahay.

Dhowaan ayay Dawladda Itoobiya heshiis ku saabsan isticmaalka dekedda Berbera la saxeexatay Somaliland iyadoo qayb ka mid ah dekedaasi loo gaar yeelay Itoobiya. Arrintaas ayaa dareen wayn ku abuurtay Masar oo xafiiltan wayni ka dhexeeyo Itoobiya waxaanay wafti u soo dirtay Somaliland kaasoo loo macnaystay inay Masar ka hinaastay heshiiska labada dal ee jaarka ah dhexmaray.

Balse Xukuumadda Somaliland ayuu hor yaalla hal-xidhaalaha ugu wayn kaasoo ah inay garab buuxa siiso dalka ay maslaxadeed siyaasadeed iyo dhaqaaleba ka dhex aragto iyadoo caadiyan la odhan karo in Masar iyo Itoobiya aanay isku meel u taagnayn Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...