Jamaal Cali Xussen musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka jawaabay hadlo mar dhaweyd ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Waxaana uu sheegay Jamaal Cali Xussen in gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta xisbiga UCID .
Jamaal Cali Xussen oo arimahan ka hadlayaa waxaaa uu yidhi ” arinta khilaafka xisbiga UCID waxaanu la tagi doona dhinca sharciga , hadii uu sharcigu noo shaqeyn waayana waxay nagu kalifeysaa waxii rag sameyn jiray in aanu sameyno qofka ibnu aadamka ah hadii la dhibo oo gar daro loola tago waxbuu iska celinayaa .
Markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona , adiguna gudoomiye noo noqo meysid Faysal Cali Waraabna Waxii Rag Iska Yeeli Jiray Ayaanu Iska Yeeli Doona ” ayuu yidhi Jamaal Cali Xussen