Kenya: oo sheegtay in Kooxda Al-shabaab ka dishay 7 Sarkaal oo Ciidammadooda ka mid ahaa

Date:

Toddoba ka tirsan ciidamada Kenya oo ka Haw-lgala Deegaanka dhirta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanada Xeebta dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii Gaadhigoodii ay la kacday Miino ay Waddada dhinaceeda ku Aaseen Xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanka Kaynta badan ee Boni ayay ciidamada Kenya ka billaabeen howlgallo ay kaga saarayaan xoogaga Al-shabaab bishii September ee sanadkii 2015-kii, laakiinse, weli kuma guuleysan inay Al-shabaab ka nadiifiyaan deegaankaas.

Gaadhiga ay ciidamadu wateen ayaa ka yimid deegaanka Hindi isagoo ku socday deegaanka Kiunga markii Doraad barqadii Qaraxu haleelay, sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Kenya oo diiday in magaciisa uu sheego sababo la xidhiidha inaan loo ogoleyn inuu Warbaahinta la hadlo.

“Baabuurka waxaa lahaa unug ka tirsan ciidamada gurmadka deg-degga ah ee dalka Kenya oo fadhiisinkoodu yahay Mangai, Waxaana sarnaa 15-sarkaal, iyadoo Miinadu ay la kacday iyagoo u socday inay alaabooyin soo iibsadaan,” ayuu yidhi sarkaalka magaciisa Qariyay oo u warramayay waregyska The Star ee Kenya ka soo baxa.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Toddoba ka tirsan ciidankii gaadhiga la socday ay dhinteen, saddex kalena ay dhaawacyo soo gaadheen, kuwaasoo la dhigay Cisbitaalada si loogu daweeyo, balse muu sharraxin dhaawacyadooda nooca ay yihiin.

Dhanka kale, Sarkaal kale oo isaguna Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in la la’yahay tiro ka tirsan Saraakiishii Gaadhigaas la socday, meel ay jiraanna aan illaa hadda la ogeyn.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay inayna jirin weli cid loo qabtay Qaraxa lagu dilay Askarta Kenyaanka ah, balse waxay xuseen inay ka dambeysay weerarka kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo askar badan oo Keenyaan ah lagu laayay Toddobaadkii hore Weerar ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ee Soomaaliya..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...