Somaliland: Madaxwaynaha Somaliland Oo La Kulmay Sheekha Dalka Kuwait

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hor kacayo ee safarka shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa maanta la kulmay boqorka dalkaas Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Kulankaas oo ahaa mid saxaafaddu debed-joog ka ahayd ayaa ahaa mid qaatay saacado, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen, sii xoojinta xidhiidhkooda soo jireenka ah ee ay wadaagaan, waxaana si gaara labada dhinac isu-dultaageen xaalada nabadgelyo ee ka jirta  mandaqadda.

Madaxweynaha Somaliland kulankan maanta waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyey amiirka, isagoo ku bogaadiyey xidhiidhka meeqaamkiisu sarreeyo ee uu kula shaqeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xusay mashaariicda horumarineed ee dhaxal galka ah ee ay  boqortooyada Kuwait ka fulisay dalka, kuwaas shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan yihiin.

Gebegebadii Kulanka waxa amiirka Kuwait uu qado sharaf beertiisa ugu sameeyey  madaxweynaha iyo weftigiisa.

Casuumada ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisu kulan gaara la yeesheen Gudoomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga Islaamiga ee Caalamiga, Dr. Abdullah Matouq Al-Matouq, waxa iyaguna kulankaa ku wehelinaayey Wasiiradii hore ee Cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta, La-taliyaha Amiirka Kuwait sheikh Sabaax Al-axmed Al-sabaax iyo La-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha bani-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay masuuliyiintaasi Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad degdeg ah uga gaysan lahayd boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhan lahayd mashaariicda horumarineed ee boqortooyadu ka waddo Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ka qaybgeli-doonaan berrito marti-qaad gaara oo uu u sameeyey Sheikh Hamad Bin Sabah Al-Ahmad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...