Somaliland: ‘Komishanku Waxay Maalinta Doorashada Cayimi Karaan Marka Ay Haystaan Wakhti Sharciya ’w

Date:

Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Golaha Guurtidu awood u leeyahay in ay cayimaan wakhtiga ay dalka ka qabsoomi karaan doorashooyinka madaxtooyadda iyo Golaha Wakiilladda.

Xildhibaan Cali Barre oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamy in dastuurka Somaliland sheegayo in Golaha Guurtida ka baaraan-dagayo xilliga la qabanaayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, waxaanu xusay in aan Komishanka doorashoyinka ku dhawaaqi Karin xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyadda iy Golaha Wakiiladda.

Cali Barre oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Komishanka doorashooyinku warbixin ayay Golaha Wakiiladda siiyeen, waxaanay ku sheegeen in ay sameeyeen jadwal shaqo oo odhanaya inta diiwaan-gelinta codbixiyayaashu ay ku dhamaynayso, iyo u diyaar garowga doorashadda, waxaanay yidhaahdeen bisha Juun kowdeeda, sannadka 2016-ka ayay hawshaasi nagaga eeg tahay, arrinkaa bulshadu waxa ay u qaadatay gaar ahaan xisbiyadda mucaaradku waxa ay ka dhigteen in Komishanku wakthtigii doorashada cayimay mana aha arrintu sidaa mana wanaagsana in ummadda la jah-wareeriyo oo oo khalad shacbiga la fahamsiiyo maaha, Komishanku waxba ma cayimi karaan.”

Xildhibaan Cali Barre waxa kale oo uu ku dooday in dastuurka dalka u yaalaa caddeeyay waxa la yeelayo haddii doorashadu qabsoomi waydo wakhtigeedii, waxaannu yidhi; “Doorashadu haddii markay dhici waydo wakhtigii loogu tallo-galay dastuurkaa cadeeyay waxa la yeelayo, waxa aynu nahay qaran, dastuur ayaynu leenahay tallaabada la qaadayana way ku cadahay, Komishanku waxa ay jadwal samayn karaan oo maalinta doorashada cayimi karaan marka ay haystaan wakhti sharciya oo la sharciyeeyay, waxaanay ku cayimi karaan gudihisia wakhtiga xilka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladda ayay wakhtiga ku cayimi karaan, laakiin haddii doorashadu wakhtigii xilka dhici waydo 27 bisha July ayaa xilka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladu ku eeg yahay, Komishanku waxa ay cadeeyeen in aan 26 Juun ee sannadkan doorasho dhacayn, waajibkooduna waxa uu ahaa in ay Madaxweynaha u soo qoraan oo yidhaahdaan bisha Juun doorashadii ma qabsoomayso, sababahaa darteed, Madaxweynuhu marka uu qoraalkaa helo Golaha Guurtida ayuu u gudbinayaa waxa uu leeyahay waajibkiina ka guta.”

“Guurtida ayaa iska leh waajibkaa, markaa haddii ay caddeeyeen Komishanku 26 Juun in aanay doorasho qabsoomayn may ahayn in ay cayimaan maalinta doorashada dhacayso, waxay ahayd inay ku joogaan doorasho dhici mayso, dabadeedna marka Golaha Guurtidu wakhtiga qiimeeyo oo sahrciyeeyo markaa ayay ahayd in xilliga doorashada cayimaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre.
Xildhibaanku waxa kale oo uu shegay in Golaha Guurtidu awood u leeyahay inuu qiimeeyo wakhtiga doorashadu ku qabsoomayso, waxaannu yidhi “Dadka in khalad la geliyo maaha, dastuurku waxa uu sheegayaa qoddobka 42-aad faqradiisa labaad, qoddobka 83-aad faqradiisa 5-aad, labaduba waxa ay sheegayaan haddii mudada Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida doorasho dhici waydo, waxa wakhtiga doorasho ku dhici karto qiimaynaya duruufaha lagaga bixi karo qiyaasaya oo awood u leh Golaha Guurtida in wakhti dambe cayimaan oo xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladda.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...