Warar Wargeyska Yool ka helay ilo Dublamaasi ah oo ku sugan mandaqadda Bariga dhexe, ayaa tibaaxay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu safar aan ujaadadiisa la shaacin ugu bixi doono Dalka Kuweyt todobaadka foodda inagu soo haya. Ma jiro War amuurta la xidhiidha oo kasoo baxay dhanka Xukuumadda.
Hase-yeeshee sida ay ku waramayaan ilaha Wargeysku xogta ka helay, waxa safarka madaxweynaha ee dalka Kuweyt uu ka dhashay xidhiidh dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wiil Boqorku dhalay oo lagu magacaabo Sheikh Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah, kaasoo isagu in muddo ah Somaliland degenaa, Guri qasriya, oo kuwa lagu nasto ah ku leh degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil. Waxana Wararku intaa ku dareen inuu Wiilka Boqorka Kuweyt dhalay uu aabihii ku qanciyey la kulanka Madaxweyne Siilaanyo marka dalkooda gaadho, iyo sidoo kale, in Madaxweyne Siilaanyo Diyaarad loogu diro Magaalada Berbera, taasoo sida iluhu tibaaxen la filayo inay magaalada Berbera soo gaadho Sabtida Berri.
Geesta kale, waxa xoggaha lagu sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ku tagi doono dalka Kuweyt uu salka ku hayo sidii Boqorka dalkaasi uga ansixin lahaa Md. Siilaanyo Buur ku taalada dulaadka waqooyi ee Degmada Sheekh oo lagu magacaabo Qarasgoo, taasoo Wiilka uu Boqorku dhalay dhawr jeer sahamin ku sameeyey, isla markana aakhirkii uu isku deyey sidii Somaliland ugu wareejin lahayd deegaanka maamulkiisa iyo gacan ku hayntiisa intaba. Hase-ahaatee, arrintaasi ay u suuro geli weyday sababo amni iyo cabaashooyin ka yimi dadka deegaanka awgood.
Inkasta oo sida xoggahani iftiimiyeen, arrinka xal u helidiisa lagu waddo in lagusoo afjaro dalka kuweyt, walow xogguhuu aanay carabka ku dhuffan nooca ama qaabka muranka arrinka labada dhinac kusoo afjari doonaan, balse haddana marka la eeggo sida looga bartay amiiradda Carabtu marka ay danaha ka leeyihiin Waddamada dhaqaalahooddu hooseeyo ee dunida saddexaad, waxay inta badan ku khalkhaliyaan Bush-qado Lacag ah iyo qasriyo waaweyn oo inta ay la joogan loo ballaaqo albaabadoda, kaddibna wax kasta oo looga baahan yahay sarajoog lagaga saxeexdo.
Yool