Gudoomiye Ciro oo Shalay u Ambo baxaya Berbera iyo Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo maalinta Arbacada ah ku sii Jeeda.
Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa u xadhko xidhay Safar kala duwan oo ay ku soo maridoonan Gobolka Saaxil iyo Labada Degmo ee la raaciyey diwaanglainta eek ala ah Gabilay iyo Baligubadle.
Gudomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxman Ciro ayaa la Filayaa in maanta u ambo baxo Gobolka Saaxil oo uu kormeerkiisa ku saabsan arrimaha diwaangalinta ku maridoono guud ahaan Gobolkaasi iyo Degmooyinka Gabiley iyo Balidubadle, mudada socdaalka cirro ayaa lagu sheegay in ay noqon doono inta ka horeysa Maalinta sabti ee todobaadkan inagu soo foosha leh ee la filayo in ay diwaangalintu bilaamanto iyada oo marka uu socdaalkiisa dhameysto dib ugu noqon doona maagalada Berbera oo Maalinta sabtida ah si rasmi ah ay uga bilaami doonto diwaangalintu.
Dhanka kale Warar xogogaal ah oo aanu helayno ayaa sheegaya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi oo uu wahelinayo Madaxweynhaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud Siilaanyo oo ka qaybgalidoona xaflada lagu daahfurayo diwaangalinta codbixiyaasha ay kor meer ku soo maridoonan Gobolka Saaxil iyo Degmooyinka kale Bali-gubadle iyo gabiley oo isku mar ka bilamayso diwaangalintu.
Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa waxa uu hore loolan adagi uu ku dhex marayo gobolada Tog-dheer iyo Awdal iyaga oo labada Xisbi ku soo kala calaf qaaden. Laakiin wareegan saddexaad ayaa la sheegayaa in uu Xisbiga Kulmiye uu ku wahelindoono Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo in Hogaanka kulmiye u raaco deeganka kala duwan ee diwaangalintu ka socoto.