Somaliland: Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Degmada Dhahar oo Codsi u diray Taliyaha Ciidammada Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga

Date:

Cuqaasha iyo Odoyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa Taliyaha Ciidammada Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ka codsaday in la joojiyo beddel lagu sameeyay Taliyaha Guutada 93-aad ee Ciidammada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Degmada Dhahar, iyaga oo sheegay inay ka cabsi qabaan in Taliyaha Cusub ee Ciidanka loo keenay lagu dhibaateeyo Deegaanka, maaddaama bay yidhaahdeen Beeshiisa loo tirinayo Dil hore deegaanka Ceel-bu loogu geystay Sarkaal Milletariga ka mid ahaa.

Sidaana waxay ku sheegeen Qoraal ay Warbaahinta u soo gudbiyeen isla-markaana ay ku socodsiiyeen Taliyaha Ciidammada Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, waxaanu qoraalkoodu u dhignaa sidan, “Waxaanu halkan codsi uga gudbinaynaa haddaanu nahey cuqaasha iyo odoyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag arrin ku sahabsan xaalad Nabedgelyo oo Deegaanka iyo Ciidanka u dhexeysa waana markii u horeysay ee aanu ka hadalno arin khuseysa guutada 93aad ee Sanaag-bari, arintani waxa ay khuseysaa  beddel la beddelay Taliye Guuto KABTAN Khaliif Ciise Siciid Iyadoo sarkaalkii ka horeeyay lagu diley Ceel-buh Marxuum Laba xiddigle Baashe Cabdi Cali waxaanu ka digeynayaa Mushkiladda beddelaada khaliif oo joogay sagaal bilood, Waayo? waxaa lagu soo beddelay nin ciidamada kamid ah oo loo xidhiidhinayo in dilkaa hore u dhacey beeshiisu laheyd (Taliyaha loo soo baddelay Guutada 93-aad), markaa waxaanu ka digeynayaa oo aanu Taliyaha Ciidanka ku wargalineynaa iyo masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliyaha Aaga intaba in ay joojiyaan baddelkaasi oo caqabad iyo Mushkiladi ka iman karto sababtoo ah   maaddaama ay tahey wakhti xasaasi ah isla-markaana uu wali qoyan yahe dilka Taliyihii hore maaddaama muhiimada la siinayo nabedgelyada Ciidanka iyo qabaa’ilka wada Degan Sanaag/Bari. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranku waa in ay qaataan talo soo jeedinta odoyaaasha iyo cuqaasha sababo badan awgeed, Guutada oo jirtey 20 sanadood waa markii u horeysey ee aanu ka hadalno talaabadan waxaana nagu kalifey maanta arin jirta oo aanu xogogaal u nahey”.

Qoraalkan waxa ku saxeexnaa Chief Caaqil Abshir Qaadi Maxamed oo ku hadlayay afka Cuqaasha iyo Odoyaasha Degmada Dhahar iyo Deegaanada Hoos yimaadda

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...