Somalia: Mareykanka oo saldhigyo milateri ka sameystay garoonka diyaaraddaha Kismaayo & Balidoogle

Date:

Waxaa soo shaac baxday in milateriga Mareykanka ay saldhigyo qarsoon ku leeyihin qeybo kamid ah Soomaaliya oo ay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ururada xagjirka ah sida al-Shabaab.

Advertisement

Saldhigyadan ayaa ku kala yaalla Kismaayo iyo garoonkii hore Cirka ee Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ku sugan ilaa 120-saraakiil ka tirsan milateriga Mareykanka, sida lagu soo daabacay wargeyska Foreign Policy oo fadhigiisu yahay Mareykanka.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sababta loo sameeyay saldhigyadan ay tahay sidii diyaaraddaha nooca aan duuliyaha lahayn ee drones-ka howlgalo si fudud uga fuliyaan Soomaaliya, iyadoo markii hore ay masaafo dheer ka imaan jireen. Diyaaraddaha loo yaqaano drones-ka ayaa Mareykanka kula dagaalama kooxaha xagjirka dhinaca hawada.

Masuuliyin ka tirsan maamulka Jubba ayaa u xaqiijiyey weriye ka tirsan Wargeyska oo la kulmay in mid kamid ah saldhiga uu ku yaallo meel ku dhow garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo isla markaana diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ay runway-ga ama dhabaha diyaaraddaha ku ordaan inta aysan kicin adeegsadaan, waxaana la sheegay in mararka qaarkood dhacdo in la joojiyo duulimaadyada caadiga ah.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada ee Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jama ayaa u sheegay wargeyska in saldhiga loo isticmaalo howlgalada ka dhanka argagixiisada isla markaana lagula socdo dhaq dhaqaaqa mintidiinta al-Shabaab oo ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubbooyinka.

Saraakiisha sare ee milateriga Mareykanka ayaan si cad u sheegin in ay Soomaaliya geeyeen diyaaraddaha drones-ka ee aan cidna wadin balse marar badan ay duqeymo la beegsadeen xubno sare oo ka tirsan al-Shabaab, iyadoo markaas ay kasoo duuleen saldhigyada milateri ee Mareykanka ku leyahay Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii hogaamiyihii al-Shabaab Ahmed Abdi Godane lagu diley weerar dhinaca cirka ah oo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay fulisay, Maraykanku leeyahay.

Saldhiga Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loo yaqaano AFRICOM ayaa Afhayeen u hadlay ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada saxda ah ee ciidamada iyo saraakiisha ku sugan labada saldhig, iyadoo uusan beenin jiritaanka saldhigyada isla markaana diidey in uu bixiyo faahfaahin ku saabsan hirgelinta saldhigyadan.

bali-doogle-400x300
Garoonka Diyaaradaha ee Bali-doogle

Dronaldhiga ku yaalla garoonka Bali-doogle ayaa badana loo adeegsada weerarada cirka ee ka dhanka al-Shabaab iyo weliba tabbabaro lagu siiyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, waxaana wargeyska uu xaqiijiyey saraakiil ka tirsan AMISOM oo si hoose ula hadlay maadaama aysan fasax u haysan in warkaan bixiyaan.

Waxaa la aaminsan yahay in duqeymaha diyaaraddaha aan cidna wadin ee Mareykanka leeyahay ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

Tan iyo 2007-dii Mareykanka ayaa lacag balaayin doolar uga baxday arrimaha Soomaaliya, waxaana lacag gaareysa hal bilyan uu ku taageeray howlgalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM, iyadoo lacag gaareysa $955 milyan uu siiyey Hay’addaha Qaramada Midoobay.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...