Kulankii Kijaandhe Qasriga Madaxtooyada Lagu Qaabiley Oo Bannaanka Soo Dhigay Qorshe Hogaanka KULMIYE Kaga Takhalusayo Ku Xigeenkooda Labaad Ee Isbahaysiga Ka Jira
Inkasta oo ay Todobaadkan Gudihiisa uun ay ahayd markii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kulan islaab xaadhasho ah la iskugu geeyay Qasriga Madaxtooyada,Hadana Waxa suuqyadda Siyaasada durba soo galay in xogo muujinaya qorshe Hogaanka KULMIYE ku doonayo inuu Kijaandhe u magacaabo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ay Madaxweynaha dudmo ku kala maqan yihiin islamarkaana la ahdaaf siyaasadeed ah Cududa isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Kulmiye.
Warar wargeyska Foore soo gaadhay Xalay ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo go’aankan qaatay kadib markii ay Todobaadkan bilawgiisii Kulan gaar ah ku yeesheen Xildhibaan Kijaandhe Guriga Madaxtooyada islamarkaana ay isla afgarteen inuu Kijaandhe ku shaqeeyo nidaamka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ku hagayo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisaba,wararkan ayaa intaa kudaray in Madaxweyne Siilaanyo u gartay islamarkaana uu kala hadlay Xildhibaan Kijaandhe inuu qaato booska Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Waabeeye oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku kala aragti duwanaadeen Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lagu soo doortay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici.
Wararkan ayaa in ku daray in Madaxweyne Siilaanyo Qorshaynayo in dhawaan shir aan caadi ahayn la iskugu yeedho Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye si loo hirgaliyo Qorsheyaal ay ugu horayso iskubadelista Kijandhe iyo Waabeeye iyo sidoo kale,Qorsheyaal kale oo qarsoon oo lagu sadqaynayo masuuliyiin badan oo miisaan ku lahaa Xisbiga Kulmiye islamarkaana ku jira Kooxda Isbahaysiga Kulmiye oo dhamaantood marqudha ka wada dareeray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay saluugeen Hanaankii loo maamulay Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Wararkan ayaa intaa ku daray inuu Madaxweynuhu talaabadani uu qaadayo uu kala tashaday Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo dhinacooda la sheegay inay soo dhaweeyeen. Sidoo kale warar aanu ka helnay Madaxtooyadda Somaliland ayaa tibaaxay in Sidoo kale waan laga dhex wado lagu soo ladqabaynayo Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Talyanle oo ka mid ah isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana la sheegay in haddiiba ay fashilanto ladqabadaasi Talyanle in isna Birta laga also oo la keenayo Cidii badeli lahayd ee ku fadhiisan lahayd Gudoomiye Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye.