Boko Xaram oo xasuuq ka geystay Xero Baro-kacayaal degenaayeen

Date:

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay qaraxyo ay kooxda Boko Xaraam la beegsatay xero ay degenaayeen dad baro-kacayaal ah oo ku taal magaalada Dikwa ee gobalka Borno ee waqooyi bari wadanka Nayjeeriya.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu dhacay Salaasadii balse Xalay (Arbacadii) ayaa warkan la shaaciyey, waxayna dowlada Nayjeeriya ay sheegtay in qaraxyadan ay fuliyeen labo qof oo dumar ah oo sitay bambaano kuwaasi oo isku dhex qarxiyey dadka ku sugnaa xeradaasi.

Waa weerarkii ugu xumaa oo ay kooxda Boko Xaram la beegsato xero ay degenaayeen dad rayid ah oo quryahooda uga soo qaxay dagaalka ay kooxdaasi lixdii sano ee lasoo dhaafay ka waday waqooyiga Nayjeeriya.

Boko Xaram ayaa horey u weerartay xeryaha lagu hayo dadka shacabka ah oo ay horey uga soo qaxiyeen guryahooda, waxaana ugu danbeysay bishii September ee sanadkii tagay oo ay xero ku taal isla gobalkaasi Borno ku dileen 11 qof.

Maleeshiyaadka Boko Xaram ayaa 31kii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo weeraro ay la beegsadeen tuulooyin ku yaal gobalkaasi ku dileen in ka badan 85 qof.

Kooxdan Xagjirka ah ee Boko Xaram ayaa noqotay kooxdii ugu xasuuqa badneyd sanadkii tagay ee 2015 iyadoo ka hormartay kooxaha kale ee xagjirka ah sida Daacish, Al Shabaab iyo kooxaha kale ee Al Qacida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...