Italia: Booliiska oo qabtay 100 qof oo ka tirsan Kooxaha Mafiyada

Date:

Booliiska Talyaaniga ayaa Arbacadii shalay olole ku qaaday kooxaha Mafiyada dalkaasi awooda ku leh, hawlgalkii shalay ayaa lagu soo qab qabtay in ka badan 100 eedaysane.

Inta badan dadka lasoo qabtay ayaa kamid ahaa labada qoys ee Mafiyada ah ee lagu kala magacaabo Laudani iyo Camorra.

Hawlgalka ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan ee wadanka Talyaaniga gaar ahaan jasiirada Sicilly, balse waxaa sidoo kale jira xubno ka tirsan kooxahan oo lagu qabtay wadanka Holland kuwaasi oo lagu wado in la keeno dalka Talyaaniga.

Xubnihii shalay la qabtay waxaa kamid ahaa hogaamiyaha kooxda Camorra oo kamid ah kuwa ugu halista badan mafiyada Talyaaniga, ninkaasi oo lagu magacaabo Alessandro Giannelli oo 38 sano jir ah. Waxaana la qabtay isagoo doonayey inuu gaari uga baxsado ciidamada Booliiska.

 

Mafiyada Talyaaniga ayaa bilihii lasoo dhaafay dhexdooda ay ka qaraxday dagaal taasi oo keentay in weeraro kala duwan lagu dilay ugu yaraan 10 xubnood oo sar sare oo ka kala tirsanaan kooxaha loolanka ka dhaxeeya oo ku dagaalamayey suuqa deegaanka Napels.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...