Somaliland: Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE oo Awdal Lagu Soo Dhaweeyey

????????????????????????????????????

Shacabka reer Awdal, ayaa dhoola-tus taageero ah ku soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ay horkayaan Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo booqasho ku tagay gobolka maanta.

Weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo ay qayb ka yihiin xubnaha hoggaanka sare iyo madaxda Golaha Dhexe ee xisbigaasi, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka bilaabmaysa Gobolka Awdal maalinta Sabtida, ayaa si wayn loo dareemay taageerada baaxadda leh ee xisbiga ku leeyahay gobolkaasi, kadib markii dadweynaha ku dhaqan halkaasi si aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyeen degaannada xidhiidhsan degaanno hoosyimaada Gabiley, Dilla ilaa Boorama oo kumanaan iyo kumanaan qof oo lulayey calamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE iyo weliba caleemo qoyan ay ku qaabileen weftiga xisbiga KULMIYE.

Weftiga oo Badhasaabka Gobolka Awdal iyo maayarrada degmooyinka Gabiley, Dilla iyo Boorama, wasiirrada u dhashay deegaanka, salaadiinta gobolka iyo dadweyne badani ay kaga hortageen deegaanka Xuunshalay ee Gobolka Gabiley, ayaa loo galbiyey magaalada Dilla ee degmada Dilla oo soo dhawaynta ugu ballaadhin ka dhacday, halkaas oo dadweynahani ku dhaqayni isu-soo-bax aanay u kala hadhin cirroole iyo saqiir ay roog-cas ugu dhigeen murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE – Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Xaflad lagu asteeyey muujinta taageerada reer Dilla oo lagu qabtay madal lagu goleeyey Geedka wayn ee magaaladaasi caanka ku tahay hoostiisa, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen Maayarka degmada Dilla Md. Ibraahim Cabdi Xaaji, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cumar Maxamed Faarax iyo Suldaan Nuur Axmed (Suldaan Nuur-dheere) oo ka mid ah madaxdhaqameedka reer Dilla, waxay ugu bushaareeyeen in soo dhawayntani tahay mid qalbi furan iyo taageero ah reer Dilla u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isla markaana ay barbartaagan yihiin murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga u tartami doona doorashada dambe.

Maayarka degmada Dilla Md. Ibraahim Cabdi Xaaji oo tilmaan ka bixinayey soo dhawaynta iyo taageerada reer Dilla, waxa uu yidhi, “Soo dhawaynta reer Dilla shucuurtooda ayaad ka arkaysaan, shacabkeedu ilaa xalay may seexan oo ilaa saaka ayey taagnaayeen jacayl ay idiin hayaan dartii. Madaxweyne-ku-xigeen iyo Guddoomiye shacabka reer Dilla weligood mucaarad may noqon, lagamana yaabo inay noqdaan oo waxay u heellanyihiin taageerada xisbiga KULMIYE.”

“Weftiga uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweynaha mustaqbalka Muuse Biixi Cabdi oo ah nin dad badani aad u garanayaan marka halkan laga hadlayo, waxaannu leenahay inaad annaga halkan noogu timaado maanta farxad wayn bay noo tahay oo waad naga arkaysaa, waanad naga garanaysaan.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Nuur Axmed (Suldaan Nuur-dheere).

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed kaga mahadceliyey taageerada uu kala kulmay reer Dilla, waxaannu yidhi, “Waxaan aad idiinka mahadnaqayaa soo dhawaynta ballaadhan ee ay ka muuqato kalgacalka weliba meesha fog ka soo go’day ee dhallinyaro, waayeel, rag, dumar iyo carruur reer Dilla inagu soo dhaweeyeen, soo dhawaynta iyo kalgacalkuba wuu muuqdaa ee reer Dillow waad ku mahadsan tihiin.”

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, una tartamaya xilkaasi mar labaad xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna soo dhawayntaasi ku tilmaamay mid walaaltinimo iyo waddaniyadi ka muuqato, isla markaana waxa uu ku wargeliyey dadweynaha reer Awdal in ujeeddada socdaalku tahay ka qaybqaadashada wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxa kaloo in xukuumaddu wado dadaal gurmad cunto iyo biyo wixii awoodeeda ah ay ku gaadhsiinayso dadka abaartu saamaysay ee gobollada Galbeed.

Intaasi kadib, weftiga oo socdaalkiisa sii watay waxa soo dhawayn iyo taageero ballaadhan ay kala kulameen degaannada u dhexeeya Dilla ilaa Boorama sida tuulada Tulli, Gorayo-cawl iyo meelo kale oo ay kaga hortageen boqolaal dadweyne ahi, iyadoo loo galbiyey gudaha magaalada Boorama oo markii dambe la isugu tagay fagaaraha Khayriyadda oo shacabka ku dhaqan ay kala hadleen madaxda heer gobol iyo degmo iyo masuuliyiinta weftiga, gaar ahaan Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxiinta Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo labadooduba uga mahadceliyey reer Boorama sida ay u soo dhaweeyeen, kuna wacyigeliyey inay ka wada qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee bilaabmi doonta maalinta Sabtida.

Dhinaca kale, waxa kulan gaar ah iyo qado ku dhexmaray huteelka Rays ee magaalada Boorama Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo halkaasi hore ugu sugnaa.

Comments

comments