Maraykanka oo maxkamadeenaya haweenay uu ka dhintay hogaamiye ka tirsanaa ISIS

Date:

Saraakiil ka socota hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa gaaray dalka Ciraaq si ay wareysi uga soo qaadaan xaaska uu ka dhintay hogaamiye ka tirsanaa ISIS oo lagu qabtay dalka Ciraaq.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Ummu Sayyaf ayaa waxaa horey u qabay mid kamid ah hogaamiyayaasha ISIS oo lagu magacaabo Abu Sayyaf, kaas oo lagu dilay dagaalka ka socda wadanka Ciraaq.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan Abu Sayyaf iyo Xaaskiisa Ummu Sayyaf ay ku lug lahaayeen afduubka haweenay u dhalatay Maraykanka oo laga qafaashay waqooyiga Siiriya xili ay halkaasi u joogtay hawlo gargaar bini’aadamnimo.

Haweenayda u dhalatay Maraykanka oo lagu magacaabay Kayla Mueller ayaa muddo dheer ku jirtay gacanta kooxda ISIS, waxaana sanadkii hore la sheegay inay ku dhimatay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa ku qaadeen dhulka ay Daacish ka taliso.

Ummu Sayyaf ayaa lagu soo oogayaa dacwado la xariira inay guriga afduub ahaan ugu heysay haweenaydaasi, isla markaana ku lug lahayd sababihii keenay dilka haweenaydaasi Maraykanka ah oo ay warbaahinta dalkaasi ay sheegayaan in sidoo kale kufsi loo geystay intii afduubka lagu heystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...