Ireland: Weerar kale oo ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Dublin

Isniintii shalay ayey kooxo hubeysan magaalada Dublin ku dileen hal qof, weerarkan oo la sheegay inuu la xariiro aargoosi weerar Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal magaaladaasi.

Weerarkii shalay ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay nin ay walaalo ahaayeen hogaamiyaha mid kamid ah kooxaha burcada ah ee la rumeysan yahay inay ka danbeeyeen weerar Jimcihii ay kooxo hubeysan ku qaadeen xaflad ka socotay hotel Regency ee magaalada Dublin, weerarkaasi hore ayaa lagu dilay hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Dowlada Ireland ayaa sheegtay inay olole ay ku qaadi doonaan kooxaha hubeysan ee dalkaasi ka jira oo sanadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ku dilay shaqsiyaad la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha burcada ah ee iska soo horjeeda.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inaysan heysan ciidamo ku filan oo ay uga hortagaan kooxahan, kadib markii hoos loo dhigay miisaaniyada Booliiska tilaabadaasi oo ay sheegen inay hoos u dhigto awooda ciidamada.

Kooxihii weerarada ugu danbeeyey ka geystay magaalada Dublin ayaa la sheegay inay adeegsanayeen qoryaha AK47, taasi oo argagax ku riday shacabka.

Comments

comments