Mareykanka oo ku baaqay in lasoo gabagabeeyo Khilaafka hareeyay dhismaha Xukuumadda cusub

Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty wuxuu soo dhoweynayaa ku dhawaaqistii 28-kii bishan Janaayo lagu dhawaaqay Gollaha Wasiirada ee cusub.

Dawlada Maraykanku waxay amaan usoo jeedinaysaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay xalinta khilaafaadkii hareeyey magacaabista Gollaha Wasiirada, waxayna ku dhiiri gelinaysaa dhamaan dadka ku lug leh arintan in ay si deg deg ah u soo gabagabeeyaan arimaha ku saabsan dhismaha dawlada cusub.  Maadaama aanu nahay saaxiibada Soomaaliya, Dawlada Maraykanku waxay aad u rajaynaysaa in Soomaaliya ka gudubto qalalaasaha siyaasadeed ee daba dheeraaday dibna loo labanlaabo dadaaladii iyo shaqadii ku aadanayd ujeedooyinka iyo hadafka Hiigsiga 2016.

“Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa dawlada cusub ee lagu dhawaaqay. Arintani waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhismaha dawlad cusub oo gudata masuuliyada ka saaran sidii loo heli lahaa sugida nabadgelyada, dawladwanaaga, iyo aminga ilaa inta laga gaarayo 2016. Hada waxaa la joogaa waqtigii dhinac layska dhigi lahaa arimaha siyaasada loona soo jeensan lahaa sidii diirada loo saari lahaa danta qaranka.” ayuuu yiri Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna sii wadaysaa taageerada ay siiso Sooomaaliya ee ku aadan sidii loo gaari lahaa nabadgelyo buuxda, xasilooni iyo barwaaqo.

Xigasho: Safaaradda Mareykanka

Comments

comments