Ciidanka Taraafikada Somaliland Oo Si Buuxda Ugu Guulaystay Hirgalinta Amarkii Lagu Soo Rogay Marista jidadka Halbawlaha Ah Ee Caasimada Hargeysa Dhex Mara.

Date:

“Waxaa Yaraaday Shilalkii Gaadiidka Iyo Khasaarihii Kala Duwanaa Ee Ka Dhalanayay Saxmada Gaadiidka Iyo Jidadka Laakiin Imika…”.Taliye Axmed Shilin”.
taraafikada

Ciidamada Taraafikada Somaliland ayaa si layaableh ugu guulaytay inay Dirawaliinta gaadiidka kala duwan wadaha ka ah baraan hanaanka cusub ee lagu soo rogay in loo maro jidadka halbawlaha ah ee Caasimada Somaliland,waxaanay si buuxda mudo gaaban uga nasteen oo ay qabad siiyeen dirawaliinta inay hab nabdoon u qaataan amarka wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ku soo rogay jidadka.

Ciidamada Taraafikada oo ka amar qaadanaya Taliyahood Faysal Xiis oo ah nin sharci yaqaan ah ayaa si buuxda saddex todobaad gudahood ugu guulaystay inay hirgaliyaan Go’aankii wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ku soo rogay Jidadka Magaalada Hargeysa,waxa ciidanka taraafikadu si gaar ah xil iskaga saareen Dirawalada Dabeecadahoodu kala duwan yihiin ee reer Somaliland inay si fudud u fahamsiiyaan qaabka Cusub ee jidadka loo marayo,iyagoo adeegsanaya hanaan degan oo nabdoon kana taxadiraya khilaaf iyo wax buuq iyo is afgaran waa abuuraya. Taliye Axmed Shilin oo ka mid ah madaxda Taraafikada ee sida gaarka ugu suntan hawlkarnimo iyo daacadnimo dheeri ah islamarkaana hadh iyo habeen u taagan shaqada taraafikada gaar ahaan goobaha ugu saxmada badan ee Faras Magaalaha Hargeysa ayaa wariyihii daraasadan waday shalay oo ka tirsan wargeysa Foore u sheegay inay ku nasteen nidaamkan cusub ee jidadka lagu soo rogay in loo maro isagoo sheegay in aad ay hoos ugu dhaceen shilalkii gaadiidka iyo khasaarihii kala duwan ee joogtada ahaa ka dhalan jiray saxmada iyo iscidhiidhiga gaadiidka Suuq wareeg ah.
Guud ahaa ciidamada Taraafikada ayaa si weyn uga hawlgalay hirgalinta Nidaamkan iyagoo si culus iskugu taxalujiyay hadh iyo habeen inay hirgaliyaan nidaamkan oo aanu noqon mid lagu guul daraysto,waxa aad moodaa in imika ciidanka taraafikadu ku jiraan jawi deganaanshiyo maadaama oo kala yaraataa saxmadii islamarkaana dirawaliintu si buuxda u waafaqeen qaadashada amarkan mudo gaaban gudaheed.
Xigasho Foore.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...