Somalia: Xildhibaano mar kale Mooshin ka keeney Madaxweyne Xasan Maxamuud

Date:

Xildhibaano gaaraya 54 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ay ku eedeeyeen in uu marar badan jabiyey dasruurka dalka u yaala. Xildhibaanada ayaa maanta u gudbiyey Mooshinka shirguddoonka Baarlamaanka.

Fadhi ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, yaa Afhayeenka  Baarlamaanka Soomaaliya Maxamede Shiikh Cismaan Jawaari sheegey in uu gacanta ku hayo Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano ka badan 50, waxaana ay doonayaan in aga doodo Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha. Jawaari ayaa sheegay in maalmaha soo socda la horkeeni doono baarlamaanka Mooshinkaas.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo kamid ah Xildhibaanada saxiixey Mooshinkan ayaa sheegay in Madaxweynuhu jebiyey dastuurka una gefey xasaanadda Xildhibaanada Soomaaliyeed.

Marar badan oo hore oo Xildhibaano ay Madaxweynaha ka keeneen Mooshin ayaa socon waayey, waxaana Mooshinkaas la diley isaga oo aan gaarin ka doodid.

Maalintii shalay ayaa Madaxweynuhu Xildhibaanada u jeediyey khudbad uu uga hadlaayo amaanka dalka, doorashooyinka 2016 iyo dhaqaalaha dalka, Xildhibaanadu wax su’aalo ah ma weydiin Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...