Somalia: Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo baarlamaanka khudbad u jeediyey

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hortegey Baarlamaanka Federaalka oo isugu yimid shir aan caadi ahayn, waxaana uu u jediyey khudbad ka hadleysa dhinacyo badan.

Madaxweyanaha oo ka hadlayey xaaladda amni ee dalka ayaaa soo hadal qaaday weerarkii ugu dambeeyey ee ay kooxda Al Shabaab ka geysatay Liido isaga oo ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid lagu laayey dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan carruur iyo dumar, wuxuuna mar kale tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka.

“…Weerarkii ugu dambeeyay ee Argagixisadu ka geysatay Liido ee hooyooyin , carruur iyo dad kale oo maato ah loogu laayey si cadawtinimo ah, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso oo u bareeray laynta maatada. Waxa ay ku dambeyn doonaan shalaay, sida kuwii ku fekerka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay iyagoo falal noocaas oo kala ah shacab u maleegayey’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadda amniga ay wadaan howlgallo looga hortagayo damaca ururada argagixisada, isaga oo ku amaray hey’adaha ammaanka in dadka lagu soo qabto howlgallda socda lagu sameeyo baaritaano sida sharciga qabo, wuxuuna madaxweynaha uga digay ciidamadda in ay jirdil ku sameeyaan dadka howlgallada lagu soo qabto .

“…Badbaadada Ummadda iyo jiritaanka Qarannimadeenna in aanu u istaagno waa waajib ina wada saaran, mas’uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan la siiyo hey’adaha ammaanka si howshooda u gutaan, sax maahan in idacadaha laga dacayadeeyo ciidankeenna u taagan sugida amniga, waa in la dhiirro geliyaa si cadowgu fursad u helin, wixii khalad ah ee dhaca, waxaa jira hab loo marsiiyo dadka madaxda u ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo sidoo kale ka hadlay shilkii diyaaradeed ee todobaadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ayaa sheegay in loo hayo shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku lug-lahaayeen islamarkaan baaritaano ay ku socdaan.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in aan la siyaasadeyn falalka ay galayaan argagixasadu oo aan looga dabategin xabsiga, sidoo kale wuxuu sheegay in Garoonka diyaaraduha ee Muqdisho lee yahay qalabkii u danbeeyey ee casri ah ee amniga lagu sugi karo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa shegay go’aankii dhawaan ay ka gaareen doorashooyinka Soomaaliya la horgeyn doono Baarlamaanka isla amrkaana ay go’aanka u danmbeeya ay ka gaari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...