Somalia: Muqdisho Ninka sameeyey bambaanadii lagu qarxiyey Daallo Airlines oo horey uga baxsaday Xabsiga NISA!

Date:

Waxaa xog dheeraad ah kasoo baxeysaa baaritaanka lagu wado weerarkii lagu qarxiyey Diyaarada Daallo Airlines, iyadoo todobaadkan dowlada Soomaaliya qirtay in falkaasi uu ahaa weerar argagaxiso oo uu fuliyey nin lagu magacaabo Cabdullahi Cabdisalam Borleh oo ahaa qofkii meydkiisa laga helay duleedka magaalada Balcad.

Weerarkaasi fashilay ee la doonayey in lagu laayo shacabka saarnaa Diyaarada Daallo Airlines oo ahaa rakaabkii ay qaadi lahayd Diyaaradaha Turkish Airlines, ayaa waxaa ku dhintay ninkii odeyga ahaa ee qaraxa fuliyey oo kaliya, kaasi oo meydkiisa kasoo dhacay diyaarada lagana helay nawaaxiga Magaalada Balcad.

Cabdillahi Borleh oo qaraxa ku fuliyey bambaano lagu rakibay Computerka gacanta (Laptop) loo soo dhiibay ayaa ahaa shaqsi aan ku jirin diiwaanka dadka lagu tuhusan yahay argagaxisada, balse qofka bambaanada soo sameeyey ayaa la sheegayaa inuu ahaa nin dhawaan ka baxsaday Xabsiga NISA isla markaana mudooyinka ku sugnaa nawaaxiga Muqdisho.

Warar laga helayo saraakiisha dowlada ee baaritaanka wada ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo kamid ah dadkii ka shaqeenayey laamaha amaanka ee Madaarka Aadan Cade xabsiga la dhigay, inkastoo aan weli faah faahin laga bixin magacyadooda iyo kaalintii ay ku lahaayeen qorsheynta qaraxaasi fashilay.

Waxaa sidoo kale su’aalo badan ka jiraan xogta ay Shirkada Turkish Airlines lasiiyey oo ay ku hakisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho kahor weerarkan.

Dowlada Federaalka ayaa shaacisay muuqaalka Ninkan qaraxa fuliyey oo gudaha Madaarka loogu dhiibayo Laptop uu waday ninka la sheegayo inuu ahaa sarkaal Nabadsugida ah iyo mid kamid ah Shaqaalaha Airporka Muqdisho.

Hay’ada sirdoonka iyo Nabadsugida ee dowlada Federaalka NISA ayaa sanadihii lasoo dhaafay shaqaaleeyey xubno la sheegay inay horey uga tirsanaan jireen kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadkii Maxaakiimta Islaamka, kuwaasi oo la sheegay inay kaalin weyn ka qaadanayeen xogta laga helo kooxda Al Shabaab, balse dad badan ayaa horey walaac uga muujinayey qaar kamid ah dadkaasi oo lagu tuhmayo inay weli si hoose ulla shaqeeyaan kooxda Al Shabaab iyagoo xog fiican ka hela xarumaha dowlada.

Waxaana su’aalo weyn hada la iska weydiinayaa sida ninka la sheegay inuu sameeyey bambaanada uu uga baxsaday xabsiga NISA, ninkaasi ayaa horey uga ganacsan jiray sida la sheegay Computerada la isticmaalay iyo Waliba sida Sirdoonka dowlada ku ogaan waayeen xiriirka ka dhaxeeya Al Shabaab & xubnaha dowlada u shaqeeya ee ka qeyb qaatay fududeynta weerarkan.

Dhinaca kale Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa Salaasadii shaacisay inay gebi ahaan joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Muqdisho, ayaan weli si toos ah uga hadlin qaraxa Diyaarada Daallo Airlines oo u kirsneyd shirkadaasi.

Maamulka Shirka Daallo Airlines Maxamed Ibrahim Yasin Colad ayaa sheegay in rakaabka ay sideen dhamaantood ahaayeen rakaabkii Turkish Airlines, isagoo iska fogeeyey inay wax xog ah ka hayeen dadka ay sideen oo watay Tikidhada shirkada Turkish Airlines oo diyaarada si kumeel gaar ah uga kireysatay shirkadooda. Wuxuuna sheegay in shirkada Turkish ay xiriirka u jartay Daallo Airlines kadib qaraxii diyaaradooda.

Turkish Airlines ayaa ahayd shirkadii ugu horeysay oo caalami ah oo diyaaradaheeda ka yimaada Caalamka ay si toos ah u tagaan magaalada Muqdisho, taasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed oo horey uga cabanayey duulimaadyada Soomaaliya, balse qaraxan ayaa si weyn u saameyn doona rajadii laga qabay in shirkadaha kale ee caalamka ay duulimaadyadooda ku yimaadaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...