WHO: Cudurka Zika wuxuu khatar ku yahay caalamka oo dhan

Date:

Hay’ada caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Isniintii shalay sheegtay in cudurka Zika virus uu hada noqday mid khatar ku ah caalamka, kadib markii uu si baaxadleh ugu fiday dalalka Latinka.

WHO ayaa sheegtay in cudurkan loo baahan yahay in iskaashi caalami laga sameeyo sidii looga hortagi lahaa.

Talooyinka kasoo baxay WHO ayaa waxaa kamid ahaa in si kahortag ah loola dagaalamo ama lagu baabi’iyo nooca kaneecada ee cudurkan faafisa, tilaabadaasi oo ah qaabka kaliya ee looga hortagi karo faafida cudurkan.

Sidoo kale hay’ada caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ku baaqday in loo baahan yahay in dar dar la geliyo sameynta ama helida daawooyinka talaalka ee looga hortagi karo cudurkan, kuwaasi oo aan illaa iyo hada lagu guuleysan in la sameeyo.

Cudurkan ayaa hada si baaxadleh ugu faafay 25 wadan oo kamid ah dalalka Koonfurta Amerika, waxaana laga cabsi qabaa inuu u gudbo dalka Maraykanka iyo waliba Qaaradaha kale sida Afrika iyo Aasiya.

Cudurkan ayaa sanadkii hore (May 2015) ka dilaacay dalka Brazil kadibna si dhakhso ah ugu faafay dalalka jaarka la ah.

Kaneecada loo yaqaan (Aedes aegypti mosquito) ayaa loo aaneenayaa inay faafiso cudurkan oo aan lahayn wax daawo ah ama talaal looga hortago, wuxuuna cudurkan xoogiisa khatar ku yahay ilmaha inta uu uurka ku jiro hadii uu Fayrus-kan ku dhaco hooyada.

Dalalka uu cudurkan ku faafay hada waxaa kamid ah:

Bolivia, Brazil, Cape Verde(Galbeedka-Afrika), Colombia, Ecuador, El Salvador, French Guiana, Guadeloupe, Guatemala, Guyana, Haiti, Honduras, Martinique, Mexico, Panama, Paraguay, Saint Martin, Suriname, Samoa, Venezuela iyo Puerto Rico.

 

Qofka uu cudurka ku dhaco ayaa inta badan isku arka xanuunka Madax-xanuun, Qandho/Xumad iyo nabraha yar yar ee jirka kasoo baxa ama Xasaasiyad.

Balse Haweenka xaamilada ah ee uu cudurkan ku dhaco ayaa mararka qaarkood aan dareemin wax jiro ah ama xanuun ah, iyadoona virus-ka usii gudbo uurka ilmaha ku jira, taasi oo keenta inuu ilmuhu dhasho isagoo madaxiisa uu aad u yaryahay, waxaa la sheegaa in ilmahaasi uu ku dhasho cuduro dhanka Neerfaha ah, murqaha iyo lafaha oo aan korin iyo waliba marar qaarkood inuu da’a yar ku dhinto.

Digniin Afrika & Soomaliya

Nooca kaneecada faafisa cudurkan ayaa ah mid ku sugan Qaarada Afrika iyo Waliba Dalka Soomaaliya, waxaana cudurkan markiisii ugu horeysay taariikhda laga helay Baadiyada Zika ee dalka UGANDA, sanadkii 1947 waana halka uu ka keenay magacaasi (Zika).

Waxaana hada laga cabsi qabaa inuu cudurkaasi markale ka dilaaco wadamada Afrika oo uu si fudud ugu faafi karo.

Digniin kasoo baxday hay’ada ka hortaga Cudurada Faafa ee Maraykanka CDC ayaa looga digay shacabka Maraykanka inay tagaan dalalka uu cudurkan hada ka dilaacay iyo weliba wadamada Afrika ee laga cabsi qabo inuu hada cudurkaasi uu gaari karo, dalalkaasi oo uu ku jiro wadanka Soomaaliya iyo dalalka Jaarka la ah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Tanzania.

Hoos ka eeg Khariirada dalalka Caalamka ee Cudurka horey uga dilaacay iyo waliba kuwa laga cabsi qabo inuu gaaro:

 

Isniintii lasoo dhaafay ayey hay’ada caafimaadka Dunnida ee WHO sheegtay in cudurkan la filayo inuu ku faafo dhamaan dalalka Waqooyiga, Koonfurta iyo Bartamaha America, marka laga reebo dalalka Canada iyo Chile.

Cudurkan malaha wax daawo ah sidoo kalena majiro Talaal looga hortagi karo, waxayna dhakhaatiirta sheegaan in habka kaliya ee la isaga illaalin karo ay tahay in laga fogaado goobaha uu cudurkan ka dilaaco. Cudurkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku faafi karo dhanka Dhiiga la isu gudbiyo.

Qaar kamid ah wadamada Latin Amerika ayaa hada bilaabay inay haweenkooda u sheegaan inaysan wax uur ah qaadin muddo labo sano ah si looga hortago in cudurkaasi ku dhaco ilmahooda.

Cudurka-Zika-Virus-caruurta1-740x494Cudurka-Zika-Virus-caruurta-madaxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...