Somaliland: Madaxweynaha Somaliland Oo Derajooyin Ku Taxay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Qaranka

Date:

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmahan ku guda jiray socdaal uu ugu kicitimay gobolada bariga qaar ka mida ayaa saaka subaxnimadii hore magaalada burco uga jarmaaday dhinaca bariga, isagoo gaadhay gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynabo oo madaxweynaha iyo weftigii ku wehelinaayey safarka si weyn loogu soo dhaweeyey iyadoo halkaana loogu sameeyey Quraacdii.

Ka dibna weftigu waxay halkaa ka sii wateen socdaalkoodi shaqo iyaga oo u sii jeeday ama yoolkoodu ahaa ka qaybgalka Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland munaasibadaas oo lagu qabtay degmada Oog oo ka tirsan gobolka saraar, taas oo noqonaysa in markii ugu horaysay 22kaa sanno oo ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka lagu qabto gobol aan ahayn Maroodi-jeex balse taariikhdaa ayaa maanta is bedeshay kana dhigtay mid ku cusub oo buuga diwaanka madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku xusnaan doonta laguna xasuusan doono marka loo eego madaxweyneyaashii soo maray somaliland, madaxweyne siilaanyana uu taariikhdaa baal dahab ah ka galay

Ciidamada ku sugan Taliska guud ee aaga bari ama fadhiisinka aaga bari oo ay iyaga maanta u ahayd badhaadhe iyo farxad aan la qiyaasi karin ayey u noqotay inay madaxweynahooda kula ciidaan sanad guuradooda 22aad, iyadoo madaxweynuhuna hambalyo u diray guud ahaan ciidamada Qaranka ama qalabka sida meel ay joogaanba.

 

 

 

 

 

ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu halkaa ku dalacsiiyey kuna taxay derajooyin ay ugu hoosayso gaashaanle uguna sarayso sareeyo guudo oo uu ku abaal mariyey qaar ka mida ciidanka qaranka ee difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland heeganka ugu jira meel ay joogaanba.

waxa xusid mudan in madaxweynuhu yahay madaxweynihii suurageliyey in ciidamada kala duwan ee dalku ay yeeshaan astaan derejooyin u gaara oo ay ku kala danbeeyaan, iyadoo uu maantana ku darsaday madaxweynuhu inuu halkii ka sii anba qaado oo uu dalacsiiyo qaar ka mida ciidamadii uu hore ugu taxay derejooyinkaas, waxaanay noqonaysaa talaabo kale oo uu madaxweynuhu dhanka derejooyinka hore u qaaday.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey taliska guud ee aaga bari, dhismayaashaas oo isugu jira hurdo, Hangaro iyo Dugsiyo kala duwan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...