Somaliland: 21 Qof Oo Loo Xidhxidhay Ku Noqnoqoshadda Is-diiwaangelinta Codbixinta Gobolka Togdheer

Date:

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisa, ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta Sool ee ay ka socoto diiwaangelinta qaadashadda kaadhadhka codbixinta.

Waxaan kormeerka ugu horren ka warbixiyay Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay diiwaangelintu.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Qabo oo Madaxweynaha arrimaha ku sharraxay wuxuu yidhi “Mudane Madaxweyne waxa sharaf noo ah booqashadda aad Burco ku timi. Madaxweyne waxa halka ka socotay diiwaangelintii codbixiyayaasha iyo tii madaniga ahayd labaddaba oo waa gobolkii ugu horreeyay ee lagu bilaabay si wanaagsan oo qurux badan ayay noogu dhammaatay, todoba cisho waxay ahayd meelaha miyiga ah ee Burco iyo Oodweyne, 14 cisho ahina waxay ahayd halkan (Burco), waxa noo soo gabagaboobay 14-kii cisho ee hore, waxaanu galay 14-kii cisho ee dambe ee qofku isagu jaaniska lahaa, 14-kii hore may lahayn jaaniska si wanaagsan buu noogu socdaa, kolay komishanka ayaynu ayay u tahay sir lambarka ka soo baxay gobolka iyagaanay aynu kala xidhiidhi doonna, wax nabadgalyo dari ahi nagumay dhicin, wax dhibaato ahi nagumay dhicin. Waxa jira nimankii labadda jeer isdiwaangelinayay severku wuu qabanaya oo halkan burco waxa noogu xidhan 14 qof oo laba jeer isdiwaangeliyay oo uu qabtay mashiinku, wixii burco ka baxsanna waa toddoba qof.”

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa sharraxaad Madaxweynaha ka siiyay saddex diiwaangelintood oo ka socda dalka waxaanu yidhi“Gobolka Madaxweyne waxa ka socda saddex diiwaangelinood, saddexaad diiwaangelinood oo kala ah, midi waakii wadaniyadda oo qofkii horre uga habsaamay dib u qaadanayaan, midina waa qofkii aan muwaadinka ahayn ee laakiin dalka inala jooga iyaganna xafiisyo ayaanu u furnay si ay iguna u helaan kaadhadhkii ay waddanka ku deganayeen, ninkii loo garan waayaanna uu waddanka ka baxo, ta saddexaadnaa waa diiwaangelintii codbixiyayaasha, labadda horre waxa wadda wasaaradda arrimaha gudaha iyo laamaha ka farcama, ta kale ee codbixiyayaash ahna waxa wada koomishanka doorashooyinka.”Ayuu yidhi Cali Warancadde

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo oo soo kormeeray goobaha diiwaangelinta ayaa alle uga baryay shacabka inuu si fiican oo guul ah ugu dhammeeyo hawsha ay hayaan “Hawsha diiwaangelintu si fiican bay u socotaa ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu hawsha nala qabto oo si fiican inoogu dhacdo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...