Somaliland: Runtii Waa Nasiib Darro Inuu Maanta Magaaladan Hargeysa Cali Marreexaan Ka Abuuro Xaalad Nabadgelyo Darro Ah Oo Isagaa….”Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji)

Date:

ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrinta tiyeetarka magaalada Hargeysa isagoona dhaliilo xoogan usoo jeediyay Wasiirka Wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta Mareexaan Kuna Eedeeyey Inuu Isagu Dabada Ka Riixayo Arinkani isagoona ka hadlaya arimaha ayaa waxa uu yidhi.
“Runtii waxaa nasiib darro ah arrintaas oo markii aan shaqeynayey in aan xog-ogaal ka ahaa oo aan ka mid ahaa qofkii qoraalada maanta la isku haysto qaar ka mid ah ee lagu banneeynayey qorey baan ka mid ahaa,iyada oo uu Jiciir-na maayar ahaa”Ayuu yidhi Xamarji
Sidoo kale Xamarji ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka fogaado wixii nabadgelyo darro abuuraya,isaga oo dhinaca kalena Cali Marreexaan ku tilmaamay mid nabadgelyo darro dalka ka wada Waxaana Uu Yidhi.
“Mudane madaxweyne wixii nabadgelyada wax u yeelaya maaha inaad nabad gelyada gacantaada ku dumiso,waana lagu hoos dhigayaayee maaha wax aad u badheedhey,kuwa ku hoos dhigayana maaha qaar tiyeetarka iyo inta kakoobnaa garanaya hadday tahay Cali Marreexaan”
Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), ayaa ku tilmaamay mid nasiib darro ah inuu magaalada Hargeysa maanta wasiir Cali Marreexaan ka dhexwado dagaal waa sida uu hadalka u dhigayee waxaana uu yidhi.
“Runtii waa nasiib darro inuu maanta magaaladan Hargeysa Cali Marreexaan ka abuuro xaalad nabadgelyo darro oo isagaa qaadanayo,isagiibaana wasiir u noqday,madaxweyne ka tanaasul,yaan marada lagugu gubin,xassiloonida innoo ilaali mandaqadda aynu ku noolnahay waa mandaq xaasaasiya” Ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...