Somaliland:Xildhibaan kijaandhe Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Isbahaysiga Kulmiye

Date:

xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ahaa Musharraxiintii Madaxwaynaha ee ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Bishii November ee Sannadkii hore ku doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Warar sheegay in Isbahaysiga KULMIYE ee uu ka midka yahay ku biirayaan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Ergo la Wariyey in Muuse Biixi u diray Xubnaha uu ka mid yahay iyo  Mowqifkiisa ku aaddan Wada-hadallo dhex mara isaga iyo Muuse Biixi.

Xildhibaan Kijaandhe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isaga oo ku sugan Hargeysa Caddeeyay in Xubnaha Isbahaysigu yihiin KULMIYE, laakiin, ay jiraan kulamo ay ka yeelanayaan Masiirkooda.

Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Waramay Wariye SAKARIYE oo Bahda Wargeyska warahane ka mid ah, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Xaaladda Isbaheysigooda iyo in Cabdicasiis Maxamed Samaale beddelay Mawqifkiisii, ayaa yidhi, “Isbahaysigu wuu shaqeynayaa oo Shirar baanu wadnaa aanu Aayahayaga kaga tashaneyno.”

Xildhibaanka waxa uu difaacay Mawqifka Samaale ee Isbahaysiga, “Ma qabo (In Samaale) isbahaysiga ka baxayo, Waayo? Maalintii u dambeysay ee uu ila soo hadlay isku Mawqif ayaanu ka ahayn Arrinka Isbahaysiga KULMIYE.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu beeniyey in Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno la socdaa ku biirayaan WADDANI, “Waxba kama jiraan (In Xirsi ku biirayo WADDANI), Meesha la qabanayo waa laga Wada tashanayaa. Waxna kama jiraan inaanu WADDANI ku sii jeedno.”

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), waxa uu tilmaamay in ay jiraan Arrimo badan oo ay tahay inay kala doortaan hadday Xisbi ku biirayaan, “Haddaanu (Meel ku biireyno) waxay ku xidhan tahay waxaanu kala kulanno Xisbiyada, laakiin, weli Xisbiga KULMIYE ayaanu nahay. Arrimo badan oo ay tahay inaanu kala dooranaana way jiraan oo aanaan deg-degin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu xaqiijiyey inay jiraan Ergo uu Muuse Biixi Cabdi u diray Xubnaha Isbahaysiga KULMIYE, waxaanu tilmaamay inay Xubno ka mid ah Ergada is-arkeen, laakiin, aanay illaa hadda ka Wada-hadal Khilaafka taagan, “Way jiraan (Ergo) oo waanu ka War haynaa, waanu is aragnaa oo ma kala xidhnin, waayo? waa Rag aanu isku Xisbi ahayn.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey inuu ogolaanayo haddii Guddoomiyaha KULMIYE uu isaga si gaar ah uga dalbado inay ka Wada hadlaan khilaafka kala fogeeyay, ayaa ku jawaabay, “Haa….waan ogolaanayaa, maxaan u ogolaan waayay, sow ma nihin laba Qof oo wada hadli kara. Anigu Cid walba waan u furannahay oo Cidna kama xidhni, waanuna kullanay Muuse (Khilaafka KULMIYE ka dib).”

Musharrax Kijaandhe oo la waydiiyey inay jiraan Shuruudo uu wato oo uu Guddoomiye Muuse Biixi hor-dhigayo hadduu KULMIYE ku noqonayo, ayaa ku jawaabay, “Way jiraan, laakiin, kuu sheegi maayo (Shuruuduhu waxay yihiin).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...