Somaliland: Khabiir Ka Tirsan Ururka Xasaradaha Adduunka Ee ICG Oo Sheegay In Somaliland Is-Bahaysiga Sucuudiga Ka Kiraysay Biyaha Iyo Hawadeeda

Date:

Magnus Taylor oo ah khabiir falanqeeya Arrimaha Geeska Afrika iyo Caalamka oo ka tirsan Ururka Xasaradaha Adduunka ee International Crises Group (ICG) oo faallo dheer ka qoray Doorka dhaqaale, Siyaasadeed iyo istaraataji ee dalalka Geeska Afrika ka heleen dagaalka Yeman iyo hannaanka ay ugu xidhan yihiin Isbahaysiga Sucuudigu Hogaaminayo ee dagaalka ku qaaday Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Bariga Afrika ee dhulkooda iyo baddoodaba u ogolaaday Isticmaalka hawlgalkaasi balse aan la ogayn dhaqaale ahaan inta ay ku heleen.
Warbixinta Mr. Magnus Taylor uu arrintaasi ka qoray waxa uu ku sheegay in doorka dalalka Somaliland iyo Somaliland ku leeyihiin qaddiyadda dagaalka Yemen iyo taageerada Isbahaysiga Sucuudigu yahay mid mugdi badani ku jiro balse ay xaqiiqo tahay in Somaliland heshiis ka gashay Adeegsiga Madaarka Berbera iyo Biyaheeda Badda Cas ee kulaalaya Gacanka Cadmeed si ay isbahaysiga Sucuudigu u adeegsan karaan daqiiqad kasta oo ay u baahdaan balse aanay wali Somaliland iyo Soomaaliya wax muuqda oo ay ku qaateen laga hayn marka loo eego sida dalalka kale ee Mandaqadda sida Djibouti, Eretria iyo Sudan uga faa’idiaysteen heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen isbahaysiga duullaanka ku ah kooxda Xuutiyiinta. Khabiir Magnus Taylor waxa uu sheegay in Somaliland oo xeeb dheer ku leh biyaha Badda Cas wax awood ahna aanay ku lahayn maamulkooda dawladda Soomaaliya in aanay wali helin dacmi ama taageero u dhiganta muhiimadda istaraatiiji ee baddeeda iyo dhulba halka ay ku taalla isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Sudan oo kali ahi in uu dalalka Afrikada Bari yahay kan dhaqaalaha ugu badan ka helay dalka Sucuudiga iyo xulufadiisa isaga oo sheegay in hawlgalka Sucuudiga ee adeegsiga dekadda Ports Sudan oo kali ah ay Sudan ku heshay lacag ka badan $2.2 Billion oo dollar halka buu yidhi Somaliland oo aan aqoonsi haysani dhaqaale kooban oo faro guudkood ah u daba fadhido dalka Soomaaliya ee ay kala go’een sannadkii 1991-kii. Khabiirkan ayaa sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti iyo xukuumadda Soomaaliya ee Muqdisho ay heleen dhaqaale u badan dhinaca Loojistikada, lacago caddaan ah iyo maalgelino mashaariiceed oo aan aad u muuqan. Khabiirkan ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo isagu si toos ah u shaaciyey in uu isbahaysiga la barbar taagan tahay taageeradooda aanay wali caddayn ciidamada Soomaalida ah ee Yemen loo diray kuwaasi oo aan u caddayn sida kuwa Suudaan loona qaadan karo uun calooshood u shaqaystayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...