Midowga Yurub oo Afrika ka caawinaya dhismista tahriibayaasha faraha badan

Date:

Madaxda 58-dal oo Afrika iyo Yurub kala matalayay oo shir caalami ah ku yeeshay magaalada Roma ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la qaado tallaabooyin lagu dhimayo qaxootiga sida joogtada ah naftooda ugu soo biimaynaya badaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya.

War lagu qoray wargayska Rundschau ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah siiyay daryeelka ay mudan-yihiin kumanaanka ruux ee sida joogtada ah isaga soo dhiibaya xuduudaha Yurub.

Wasiirrada arimaha dibadda dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka oo shir gaar ah ku yeeshay Roma ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimad gaar ah la siiyo horumarinta aqoonta iyo hay’adaha caafimaadka dalalka Afrikaanka ah si wax looga qabto arimahan.

“Uma wanaagsana Afrika in aan aragno iyada oo ay ka taagayaan qaar ka mid ah dadkeedi ugu qiimaha badnaa halka wadamada Yurub-na ay arrintan la taacaalayaan “ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Senigal Abdoulaye oo warbaahinta la hadlay.

Somalia shirkan waxa uga qayb-galay wasiirka arimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Bayle ,waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madax sare oo uu ku jiro wasiirka arimaha dibadda Jarmalka Steinmeier, kaasoo ay ka wada-hadleen arimaha qaxootiga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Talyaaniga oo shirkan marti-galiyay ayaa la sheegay in uu dhibaato ku qabo qaxootiga uga imaanaya waqooyiga Afrika ,waxaana sanadkan gudahiisa Talyaaniga iska dhiibay dad gaadhaya 165,000 oo ruux, waana tiro ka badan inta sanadkii 2013-ka gaartay dalkaas.

Ugu danbayn, shirkan ayaa imaanaya ,iyadoo khamiistii la soo dhaafay doonni sidday 700 oo ruux oo muhaajiriin ah ay ku halowday badda Medhetereniyanka ,inkastoo markii danbe la bad-baadiyay sida lagu sheegay war – kasoo baxay dowladda Talyaaniga

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...