Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xaglo-Toosiye oo Ka Warbixiyey Socdaalkiisa Buuhoodle Balsa Muxu Ka Yidhi Cali Khaliif

Date:

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo maanta socdaal shaqo ku tegay Magaalada Buuhoodle oo ay mudooyinkii u dambeeyey farogelin amnidarro ka wadeen koox uu hogaaminayo Nabad diidka Cali Khaliif

oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee somaliya, waxana wasiirka halkaa ku soo dhoweeyey boqolaal ka tirsan dadweynaha Degmada Buuhoodle, isagoo markii uu duleedka Magaalada gaadhay salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee gudaha magaalada ku sugnaa ahna ciidankii uu wasiirku hore uga sameeyey halkaasi.

Wasiirka ayaa isaga oo ku sugan Magaalada buuhoodle ka warbixiyey ujeedada Socdaalkiisa iyo talaabooyinka uu illaa hadda qaaday waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘‘Buuhoodle waan joogaa waxaan u imid in aan reer Buuhoodle u sheego oo ku wacyigeliyo in ninkan dabka la wareegaya (cali khaliif) uu si nabad ah uga tago oo ay ka shaqeeyaan inuu si nabad ah uga baxo dalka, arintaa waxgaradka waa ka wada hadalnay waana ku maqan yihiin, waana lama huraan in dadka reer Buuhoodle oo ah dad aad iyo aad u caqli badan ay fahmaan dhibka uu la wareegayo oo ku khasbaan inuu Cali magaalada ka baxo’’

Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) waxa uu iftiimiyey mowqifka dawlada Somaliland ee ku aaddan adkaynta nabadgelyada Gobolkaasi waxana uu yidhi sidan: ‘‘Somaliland waxay jeceshahay oo aad u qiimaynaysaa in aan dhib iyo colaadi ka dhicin meesha, sababta aan halkan u imidna waa amar Madaxweyne oo ah inaan wax dhib ah ka dhicin magaaladan (Buuhoodle), wasiirku waxa uu intaa raaciyey hadafka cadaawadu ku dheehan tahay ee Cali khaliif iyo xubnaha la socda ee xamar kala yimid ay ku waxyeelaynayaan nabadda Buuhoodle iyo guud ahaanba nabadda Somaliland ‘’Cali Khaliif waxa uu doonayaa in meeshan colaadi ka dhacdo oo dhiig ku daato, taasna aniga iyo dawlada Somaliland iyo shacabka Buuhoodle midna diyaar uma aha, joogitaankayga halkana waxaa ugu muhiimsan in aan kashifno oo aan waxba ka suurtogelin ololaha beenta iyo xaaraanta ah ee uu Cali khaliif halkan ka wado waana sii joogayaa insha allaahu’’.

Dhanka kalena Wasiirka caafimaadku waxa uu tilmaan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee deegaankaasi ku sugan yahay iyo mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aadan ilaalinta ammaanka gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka waxana isagoo arintaa sharaxaad ka bixinaya wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa: ‘‘Buuhoodle nabad baa xiligan ka jirta, colaadii way ka baxeen, Somaliland waxay diyaar u tahay in ay nabadaa koriso, weynayso oo ilaaliso, dhib dambana aanu ka dhicin, laakiin ragga Xamar laga soo diray ee doonaya nabadda Somaliland inay dhaawacaan iyo cidda la shaqaynaysa meel kastaba ha joogtee hadaanu xukuumadda Somaliland nahay midna ka yeeli mayno inay dhib iyo colaad ka abaabulaan Buuhoodle, dadweynaha reer Buuhoodle-na diyaar uma aha inay dib ugu noqdaan colaadii iyo mugdigii’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...