Somaliland: Safiirka Imaaraadka Carabta oo ka Waramay Xaaladiisa Caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim (Cabdi-waraabe)

Date:

safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) si wanaagsan loo baadhay, isla markaana uu marti u yahay dalka Imaaraadka wakhtigan.

Mr. Baashe Cawil oo maanta tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim ayaa sheegay inuu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laaban doono, waxaanu yidhi,

“Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey maraysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Dubai.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo marti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu dhalay la degay hudheel weyn.”

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxaanu yidhi,

“Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xaaladiisuna Illaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadkana waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaaradda Madaxtooyada Imaaraadka.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loogu qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uga dalbaday martiqaadkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...