Somaliland: “Dawladda Ethiopia Waxay ii Aqoonsatay Safiir Buuxa Oo La Mid Ah Safiirrada Dalalka Kale” Amb Galaal

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, Danjire Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal), ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay u aqoonsantahay in uu yahay safiir buuxa, isla markaana ay ula macaamisho sida safiirrada dawladaha kale matalaya ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, waxa kale oo uu si faahfaahsan uga hadlay hawlaha shaqo ee ay qabato Safaaradda Somaliland ee Magaaladda Addis Aababa, xidhiidhka xilligan ee labada dawladood iyo waxyaabaha uu ku soo kordhiyay shaqadda Safaaradda muddadii uu xilka hayay.

“Dhinaca Siyaasadda waxaan aaminsan nahay in aanu Dawladda Ethiopia aad iskugu soo dhawaanay oo aanu saaxiib-tinimo cusub oo hor leh aannu halkaas ka asaasnay. Sidda la innoo qaabilo qudheedda wax badan, ayaa iska bedelay,”ayuu yidhi Mr. Galaal, waxaanu intaas ku daray “Hadda Dawladda Ethiopia waxay ogolaatay inay innoola dhaqanto sidii Saafaradaha kale.Tusaale ahaan Inay Askar hubaysanni ay Safaaradda Ilaaliyaan, sidda Safaaraddaha kale ee caalamka si ay Amnigeenna u sugaan. Waxay sameeyeen inay Anniga ii aqoonsaddaan Safiir buuxa, maaha Wakiil, waxaan la mid ahay Safiirrada kale ee Dawladdaha kale matalaya. Markaas taasi waxay muujinaysaa Xidhiidhku inuu aad u wanaagsan yahay Somaliland iyo Itoobiya.

Mr. Galaal waxa kale oo uu ka hadlay shaqadda ay Safaaraddu u qabato Muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi

“Safaaraddu waxay inta badan qabataa adeegyadda Muwaadiniinta loo sameeyo, haddii ay tahay ciddii dhibaato qabsato, kii la-xidho, Ardayda iyo dadka doonaya inay Somaliland maal-geliyaan, dadka doonaya inay dalxiis ahaan u yimaaddaan. Adeegyaddaas oo dhan bay qabataa oo ay u fududaysaa sidii ay u qabsoomi lahaayeen.”

“Arrimaha ganacsiga iyo sidii la isu dhaafsan lahaa badeecadaha ganacsi, waanu ka hadalnaa, waana nidaam aniga hortay socday ,waxaana uu hadda marayaa meel wanaagsan. Waxaanu doonaynaa in aanu isku dheelli tirno waxa Somaliland ka taga iyo waxa Ethopia ka yimaadda, si dhinaca dhaqaalaha aynu saamigeenna iyo qeybteenna uga helno,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya oo shalay u warramayay shabakadda Oodweynenews.

Danjiruhu waxa uu sheegay inuu dhow yahay xilligii Somaliland la aqoonsan lahaa, waxaanu yidhi

“Ictiraafka Somaliland waxa uu Iman doonaa maalin maalmaha ka mid ah oo walliba aan rejaynayo inuu dhow yahay, markaas annaga waxa la nooga baahan yahay shaqo adag iyo dedaal iyo qorshe aanu ku hanano qadiyadda Somaliland.”

Safiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu majaraha u hayay Safaaradda waxaanu yidhi

“Hu’gaagu,wuu kula baryo tagaa”.Talaabaddii ugu horaysay ee aan qaaday waxay ahayd, In aan Safaaradda ka raro meeshii hore ee ay ku taallay oo aan u raro meel cusub oo uu Haykalka Dawlad-nimo ka muuqdo.Imika waxaan odhan karaa Safaaraddeennu waxay u eg tahay Safaaraddaha Wadamadda kale ee waaweyn. Markaas haddii aad Qadiyad Iibinaysid Hu’gaaguna wuu kula baryo tagaa.Nidaamka Maamulkana wax baan ka bedalay,Waxaanan u sameeyay qaab-shaqeed oo imika lagu shaqaynayo, illaa haddana hawshaasi wey socotaa, waana hawl-xeel-dheer marka la eego Baahidda innoo taalla.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...