Somaliland: Shir Lagu Dejinayo Siyaasadda Iyo Qorshaha Danjireyaasha Somaliland Oo ka Furmaya Hargeysa

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shirre, ayaa faah-faahin ka bixiyey shir la iskugu yeedhay safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka adduunka, oo maanta ka furmaya Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, kaasi oo lagu faaqidi doono qorshaha taabo-gelinta qadiyadda aqoonsi raadinta iyo sidii danjireyaasha loogu tabobari lahaa hawl-maalmeedkooda shaqo.

“Shirkani taariikhi ayuu u yahay Somaliland, waxaana lagu falan qeyn doonaa sidii qorshe loogu dhigi lahaa aqoonsiga Somaliland doonayso iyo si loo dejiyo qorshe hawleedka wasaaradda arrimaha dibadda,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu intaas raaciyay.

“Kulan qaban-qaabadiisu way iga horaysay in kasta oo markii dambe aan wax ka bedalay, mudadiina aan dheereeyey, waxa uu noqonayaa kulan shan cisho socda, saddexdaa maamlood ee hore waxaanu ugu tallo-galnay inaanu ku tababarno danjirayaasha shaqadooda, had iyo jeerna waxa laysku magacaabaa jagooyinka iyada oo aan qofka lagu tababarin, tababar horena aanu lahayn taas oo wakhti ku qaadata intuu la qabsanaayo.labada cisho ee dambe waxa la furi doonaa oo la falan-qayn doonaa siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland, labadaas maalmoodna shirku ku ekaan maayo danjirayaasha oo kaliya ee waxaanu ka soo qeyb galin doonaa xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xisbiyadda qaranka.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...