Guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, Xasan Axmed Aadan, xeer ilaaliyaha guud iyo wasiirka caddaaladda Axmed Faarax Cadarre, ayaa socdaal ku tagay magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, halkaasi oo ay u kuur galayaan hanaanka caddaaladeed ee gobollada Awdal iyo Gabiley.
Masuuliyiintan bahda garsoorka ayaa u kuur galaya hanaanka shaqo ee maxakamaddaha gobollada Awdal, xaaladda xabsiyada iyo goobaha caddaaladda, si ay u hubiyaan sida hanaanka caddaaladeed dhaqan gal uga yahay. Bahda garsoorka ayaa ku hawlan dib u habayn lagu wado caddaaladda wadanka oo hore cabasho balaadhani uga jirtay.
Guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa sheegay inay u kuur galayaan hanaanka shaqo ee maxakamaddaha, xabsiyada iyo xeer ilaalinta, islamarkaana ay joogi doonaan ilaa maalinta bari ah.