Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Salaadii Jimcaha La Tukaday Shacbiga Reer Berbera

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii labaad ku sugan Magaalo xeebeedka Berbera ayaa Salaadii Jimcaha shalay la tukaday Masjidul Huda shacbiga ku dhaqan Berbera.

Madaxweynaha oo salaada ku tukaday Masjidul Huda oo hore loo odhan jiray Xuseen Sanca, oo uu khudbadii Salaada Jimcaha akhriyey sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali oo ku soo qaatay arrimo doora oo la xidhiidha ammaanka markii laga soo baxay salaadiina shacbi-weynaha reer Berbera ayaa isugu soo baxay barxada masjidka iyagoo madaxweynaha sacab iyo duco isugu daray si weyna u soo dhaweeyey.

Madaxweynuhuna waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mida wadooyinka magaalada isaga oo ku soo noqday guriga martida oo uu ka degan yahay magaaladda.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Comments

comments