Somaliland: Wasiir Xaglotoosiye Oo Hakiyay Wada Shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNICEF

Date:

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa lagu soo waramayaa in uu Hay’adda UNICEF u gudbiyey qoraal uu kaga joojinayo hawlihii ay wasaaraddiisa kala shaqayn jirtay ee dhinaca Caafimaadka, kaasoo uu qoray Agaasimaha Guud oo tixraacaya amarka wasiirku.

Wararka la xidhiidha talaabada wasiirku ka qaaday UNICEF ayaa la sheegayaa in uu la xidhiidho khilaaf culus oo wasaarada iyo UNICEF ka dhex taagan, kaasoo ku saabsan fulinta Mashruuc la yidhaahdo JHNP (joint help and nutrition programme), ama Xidhmooyinka Caafimaadka oo ay Maal-galinayaan hay’addaha DIFID, USAID, SIDA iyo Australian AID, kaasoo laga fulin lahaa sadexda Gobol ee Sanaag, Togdheer iyo Awdal.

UNICEF ayaa la sheegayaa murankaas hore kadib dhaqaalaha ay siiso waraasadda inay u samaysay nidaam cusub, kaasoo ay iyadu masuuliyadiisa yeelanayso, hase yeeshee Wasiir Xagla-toosiye ayaa la sheegayaa in uu qorshahaas ka hor yimi oo uu doonayo in wasaaraddiisa lagu soo wareejiyo lacagtaas. Halka qorshahaas oo ahaa mid balaadhan oo ay UNICEF Hanti-dhawr ku galisay wasaaradaha kale ee ay Somaliland kala shaqaysaa soo dhaweeyeen, isla markaana u ogolaadeen in uu galo, balse talaabada uu Xagla-toosiye ku hor istaagay ay kaga jawaab celiyeen inay tahay wasaaradda Caafimaadku mid aan la isku halayn karayn nidaamkeeda Xisaabeed.

Hay’adda UNICEF ayaa Dacwad ka dhan ah wasiir Xagla-toosiye u gudbisay Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa in ay dhawaan Dalka yimaadaan wafti Madaxweyne Siilaanyo kala kulmi doona Dacwadaasi si wax looga qabto.

Mashruucan muranku ka taagan yahay ayaa la sheegayaa in Gobolka Sanaag qaybo ka mid ah oo kali ah la isku dayey in laga bilaabo balse la hakiyey kadib markii la isku qabsaday, iyadoo barriga Sanaag oo qayb ka ahaa meelaha laga fulinayey wasaaraddu qorshahaba ka saartay, halka Buuhoodle Ururkii la siiyey laga hor istaagay in uu fuliyo.

Barnaamijka xidhmaha Caafimaadka ay qayb weyn ka qaadanayey dhismaha adeegyada Caafimaadka isla markaana kabayey mushaharka shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala xarumaha Caafimaadka Somaliland.

Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah Hakin wadashaqayneed waxa uu u dhignaa sidan:-

Anigoo Tixraacaya warqada sumadeedu tahay (Ref:MoH /M284/10/2015) kana soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda caafimaadka, taasoo uu ku hakiyey wadashaqayntii ka dhaxaysay wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda UNICEF.

Hadaba waxaa dhamaan Agaasimayaasha iyo Hawl-wadeenada kale  ee wasaaradda Caafimadka la farayaa inay hakiyaan waxkasta oo xidhiidh ah oo ka dhaxeeya hay’adda UNICEF iyo wasaaradda inta xal laga gaadhayo caqabado badan oo ay hay’adaasi ku hayso wadashaqayntii inaga dhaxaysay, taasoo dibu dhac weyn iyo dhaawac ku noqotay barnaamijyadii shaqo ee u qorshaysnaa muddo badan.

Waxa kaliya oo la ogolyahay dhamaystirka wixii hawlo ee wasaaradda baaqi ku ah sida xisaab celinta, kuwaas oo iyana ku bixi doona amarka Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka.

Dhinaca kale, ilo wareed muhiim ah ayaa sheegaya in khilaafka labada dhinac saameeyey Raashin nafaqo ah oo ay hay’adaasi keentay Berbera in laga hor istaagay in lagu rogo bakhaarkii ay dhigan jireen ee ay wasaaraddu maamusho, waxaana soo baxaya carruur nafaqo darro haysay inay u baahan yihiin Raashinkaas.

UNICEF ayaa malaayiin Doolar ku kharash garaysa Caafimaadka Somaliland, wallow dhaliilo ka taagan yihiin wadashaqaynta ay leeyihiin wasaaradda Caafimaadka, waxaana ragaaday mashaariic badan oo ay ugu wayn tahay wacyigalintii loo samayn jiray barnaamijyada ay bixiyaan, kuwaas oo ay caqabad kala soo daristay hay’adaha xukuumadda iyo kuwa warbaahinta ee ay ka wada shaqayn jireen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...