Somalia: Ugu Yaraan 18 Qof oo ku Dhintay Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Date:

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 25 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii xalay uu dagaal xooggan oo ciidamada maamulka Jubbaland iyo maleeshiyada Alshabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen xaruntii hore ee ciidamada cirka ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Akadeemiya oo hadda saldhig u ah ciidanka Jubbaland taasoo magaalada Kismaayo u jirta 7 KM kagana beegan dhanka waqoogi.

Dadka ku dhintay iyo kuwo dhaawacmay ayaa ka kala tirsanaa dhinaycadii  dirirtu dhexmartay kuwasoo uu dhexmaray dagaal xooggan oo socday muddo hal saac ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubbaland jeneraal Maxamed Warsame Daraawiisha ayaa VOA u sheegay in dhinacooda uu dagaalkaasi uga dhinteen sagaal askari, toddobo kalana uga dhaawacmeen, isagoo sheegay in khasaare ba’an uu ciidnku gaarsiiyey maleeshiyadii weerarka ku soo qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan maamulku uu deegaannada uu ka taliyo ka xorreyn doono maleeshiyada Alshabaab.

voasomal

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...