Somaliland: Musharaxiinta Kulmiye ee Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen oo loo Doortay Muuse Biixi iyo Saylici

Date:

Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa lagu  Doortay musharaxa madaxwayne Iyo Madaxwayne ku xigeenka ee Xisbigaasi uga tartamaya doorashada dalka ka dhacaysa 2017ka.

Xaflada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo siwayn loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay madaxwayne Siilaanyo, 365 xubnood oo ka mida golaha dhexe ee Xisbigaasi iyo Musharaxiinta u taagnayd jagada madaxwayne ee Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxiinta ku loolamaysay jagada madaxwayne ku xigeen oo kala Ah Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo Saleebaan Axmed Ciise Xaglotoosiye.

12227065_715729898528021_734505527127299026_n

Markii Xafladu bilaabantay waxaa xubnaha golaha dhexe ee Xisbigaasi Xaadiriyay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbsiga Kulmiye oo sheegay inay shirka fadhiyaan 365 ka mida Golaha dhexe ee Xisbiga Islamarkaana ay maqanyihiin 25 xubnood oo kamida golaha dhexe.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimada Xisbiga isagoo sheegay inuu kursigaasi uga tanaasulay musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee inta badan lasoo shaqeeyay.

Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa cod aqlabiyada ku doortay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Inuu noqdo Musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaasi kadib markii uu helay codka Xubnaha ku sugnaa shirka 344 ay u codeeyeen, 14 xubnoodna ay diideen, halka ay ka aamuseen 6 xubnood oo ka mida golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Geesta kale waxaa cod loo qaaday oo lagu doortay musharaxa madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga kulmiye uga qayb galaya Doorasha soo socota iyadoo ay ku wada tartamayeen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wasiirka caafimaad .

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa isna ku guuleystay inuu noqdo mar kale musharaxa madaxwayne ku xigeen ee Xisbigaasi kadib markii uu helay cod dhan 230 oo ka mida xubnaha golaha dhexe ee Xisbigaasi, halka musharaxa la tartamayay ee Saleebaan Axmed Ciise uu ka helay 114 Cod.

Markii doorashada musharixiinta Kulmiye dhamaatay waxaa goobta ka hadlay labada musharax eek u guuleystay Tartan kan ee Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo u mahadnaqay Xubnaha golaha dhexe ee Doortay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo u tartamayay kursiga madaxwayne ku xigeenka oo laga guuleystay ayaa madaxwaynaha ugu baaqay in dib loo eego habka loo galayo doorashada musharixiinta Kulmiye Madaama buu yidhi dhaliilo badan ay jiraan.

Shirkan golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ku doortay ayaa waxaan kasoo xaadirin masuuliyiiintii xukuumada iskcasilay iyo isbahaysiga musharixiinta ku tartamayay jagada madaxwayne ee Xisbigaasi oo iyagu tirsanayay Cadaalada daro ka jirta xisbiga Kulmiye.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...