Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Ogolaaday Inuu Cafis U Fidiyo Sulaan Wabar Iyo Kooxdiisa.

Date:

Sida ay sheegayaan warar ay faafisay shabakada Hadhwanaagnews waxa xalay madaxtooyadu qaabishay odayaal ka soo jeeda beesha uu ku abtirsado Sul. Wabar, isla markaana   waxa kulankaa dulucdiisu ahayd mid cafis ay ugu raadinayaan Sul. Wabar iyo kooxda la socota.

Wararku waxa ay intaa ku dareen in odayaashu ay madaxwaynaha Waydiisteen sedex arimood oo kala ah, in uu cafis u fidiyo Wabar iyo kooxdiisa, in uu qarameeyo koox tiro yar oo Wabar wehelinaysa iyo in ay xukuumadu u dirto wafdi ku soo dhaweeya dhinaca xadka. Wararku waxay intaa raaciyeen in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu aqbalay in uu u qoro warqad cafis ah Wabarka, balse uu ku gacan saydhay in ay madax ka tirsan xukuumadu ka hor tagtaan lana kulmaan Wabar.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in ay xukuumadu ka gaabsatay balan qaadka ah in ay qaramayso kooxda wabar la falaagowday, sidoo kalena waxa ay gabi ahaanba mamnuucday wax walba oo isu soo bax ah oo lagu soo dhawaynayo Wabar, tan badalkeedana waxa ay xukuumadu go’aamisay in Wabar iyo Kooxdiisu ay isku dhiibaan Ciidanka Qaranka ee ku sugan Jiidaas, marka ay hubka dhigaan ka dibna Boorama ay ciidamadu gayndoonaan, suura galna ay tahay in Wasiir Warancade oo ku sugan Boorama iyo Wabar in ay saxaafada la hadlaan.

Inkasta oo aan la saadaalin Karin in shuruudahan oo dhan ay u cuntami doonaan Wabar ayaa hadana hadii ay aqbalaan shuruudahan waxa qorshaysan in maalmaha ama saacadaha fooda inagu soo haya  lagu wadaa in uu Wabar ku soo laabto Somaliland, kadib kacdoon aan midho dhalin oo uu mudo dal shisheeye ugu maqanaa, Waxana ay talaabadani ku soo beegmaysaa waqti Ethiopia culays ku saartay Wabar in uu dalkeeda iskaga baxo, isla markaana ay gabi ahaanba soo ooday dhufaysyadii ay kooxdiisu ku dhuumaalaysanaysay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...