Somaliland: Wasaaradda Arimaha gudaha Oo Ka Hadashay Xadhiga Taliye xigeenka Laanta Socdaalka

Date:

Wasaaradda Arimimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ka hadashay sababta keentay in xabsiga la dhigo taliye xigeenka laanta socdaalka Somaliland Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku xidhan.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in taliyaha loo xidhay amar wasiirka daakhiligu siiyay oo uu diiday.

“Taliye kuxigeenka waxaa loo xidhay amar diido uu sameeyay. Wasiirka waxay iskugu dhaceenna waa amar diidaas uune wax kale maaha. Waxa keenay xadhigiisa anshaxa ayaa la marinayaa,” ayuu yidhi mr Cadarre oo wargeyska Saxansaxo la hadlay.

Taliye xigeen Sablaale ayaa dhawr cisho ka hor la xidhay, isagoo ilaa haddana xidhan. Waxa la sheegay in wakhtiga la xidhay ay shir kuwada lahaayeen wasiirka daakhiliga wasaaradda arrimaha gudaha.

Geesta kale wasiir xigeen Axmed Faarax Cadarre, waxa uu sheegay in bacda Ciida sharciga la hor gayn doono salaadiin xidhan “ Salaadiinta waxaa sharciga la hor gayn doonaa marka Ciidu ina dhaafto, markaas baa shaqadooda la gali doonaa,” ayuu yidhi mr Caddarre.

Boqor Raabi iyo Suldaan Mawliid Sabayste, ayaa muddo todobaado ah ku xidhan magaalada Hargeysa kadib markii xukumaddu ku eedaysay kicin iyo arrimo ammaanka ka dhan ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...