Saudi Arabia: Boqortooyada Sacuudiga Oo Badhaysa Sababti Dhalisay Cidhiidhiga Xujajta Oo Dhimasho Badani Ka Dhalatay.

Date:

Amiirka Boqortoyada dalka Sacuudiga ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo Sababtii dhalisay Cidhiidhigi ka dhacday magaalada Makka oo ay ku dhinteen 717 ruux 863 kalana ku dhaawacmeen.

Amir Mohamed Bin Nayef oo madax ka ah guddiga u qaabilsan Boqortoyada Xajka ayaa amray baadhtaanka la samaynaayo,  kadib kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan guddiga xajka gaar ahaan kuwa u qaabilsan Mina. War ay shaaciyeen warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in natiijada ka soo baxda baadhitaanka loo gudbin doono Boqorka dalka,  Boqor Salman kaasoo ka qaadi doona talaabada ku habboon.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Boqortoyada ayaa sheegtay in ay u muuqato in shilkan uu sababay markii ay xujay badani ay isaga horyimaadeen meel isgoys ah. Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Major General Mansour al-Turki ayaa sheegay in heerkulka oo aad u sareeyay iyo daal badan ay sidoo kale ka mid ahaayeen waxyeelada soo gaadhtay xujayda taasoo ah kii ugu waxyeelada badnaa muddo labaatan sano kabadan.

Hase ahaatee. Madaxa Ururka Xajka u qaabilsan xukuumada Iran Said Ohadi ayaa sheegay in arrimo aan la aqoon ay sababeen shilka ka dhacay Mina gaar ahaan meel ku dhow shaydaan tuurka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...