Fadhiga golaha wakiiladda Somaliland ee saaka oo ahaa mid xaasaasi ah ayuu wariyaha waaheen ee ku sugan fadhiga Golaha wakiiladdu ku soo waramayaa in uu dagaal ka dhex qarxay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.
Gudoomiye C/raxmaan Cirro ayaa feedh ku bilaabay Guddoomiye ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax,
Illaa hada khasaaraha ka dhashay gacan ka hadalka Guddoomiye Cirro iyo Baashe lama soo sheegin, hase yeeshee wuxuu dagaalkoodu bilaabmay kadib markii Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaanada xukuumadda taageersani Mooshin keeneen golaha, kaasoo cirro markii loo dhiibay uu golaha xidhay, hase yeeshee Baashe iyo xildhibaanadiisa ayaa diiday, waxaany taasi keentay in uu Cirro Feedh ku qaad qaado Baashe.
Xaaladda Golaha Wakiiladda ayaa buuq hadheeyey, wixii war ka soo kordhana Isbatore ayaa inoo soo gudbin doona.