Nuxurka Warqada Uu Madaxweyne Siilaanyo U Soo Qoray Golaha Wakiilada Iyo Fadhiga Maanta Ee Xaasaasiga Ah

Date:

Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa maanta yeelanaya fadhi xaasaasi ah oo la filayo inay kaga arrinsadaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyay go’aankii uu goluhu ku laalay bixinta haamaha shidaalka Berbera.

Fadhiga ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag oo ay xildhibaanada muxaafidka ahi ku soo bandhigayaan dhambaalka uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay shirguddoonka.

Geesta kale madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku dooday inaanu weli dhammaystirmin heshiiskii ay xukuumadda Somaliland la galaysay shirkadaha shidaalka keena ee maamulka haamaha shidaalka Berbera lagu hoos gaynayay ee ay golaha wakiiladu go’aanka ka gaadheen.

Sidaas wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay qoraalka uu September 2. 2015  dib ugu celiyay golaha wakiilada go’aankii ay hore ugu laaleen wareejinta iyo kiraynta haamaha shidaalka Berbera. Warqada Madaxweyne Siilaanyo uu ku socodsiiyay shirguddoonka golaha wakiilada ayaa waxay u dhignayd sidan,

“Ku: Shirguddoonka golaha wakiilada JSL

Ujeedo: Soo celin go’aanka golaha wakiilada go’aan LR.GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay, qodobada 80aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriya Somaliland,

Markuu arkay go’aanka golaha wakiilada JSL soo saaray ee uu ku taariikhaysan 30/8/2015 sumadiisuna tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta  haamaha kaydka shidaalka Berbera,

Markuu arkay qodobka 12aad, faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaysa, “Xukuumadu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacan ku hayso, h anti-guurto ama ma-guurto ah, inay iibiso, iibsato, kiraysato, kirayso ku bedelato qiime u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Markuu arkay in qodobada 38aad, 39aad iyo 54aad faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee goluhu u cuskaday go’aankiisa aanay wax xidhiidh ah habayaraate la lahayn nuxurka go’aanka golaha.

Markuu arkay in wada hadalka dhex maray xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland ee danaynaysa maalgashiga haamaha kaydka shidaalka Berbera aanu ahayn heshiis dhammaystirmay.

Wuxuu soo saaray; celinta go’aanka golaha wakiilada JSL ee sumadiisu tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, islamarkaana dib ugu soo celiyo golaha wakiilada JSL.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...