Waa Markii Ugu Horaysay Ee Hadday Dhab Tahay Dal Khaliijka Carbeed Ku Yaalla Aqbalo Baasaboorka Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa u sheegay HALBEEG in dalka Emirateka carabtu aqbalay in lagu soo gallo baasaboorka Somaliland, Mr. Yoonis ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Emirateku ay si toos ah u aqoonsatay baasaboorka Somaliland, isla markaana lagu dhufan karo laguna soo geli karo ayuu yidhi dalka Emirateka.Mr. Yoonis wuxuu sheegay inay dawladda Emirateku xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonaan Hargeysa, kaasi oo ayuu yidhi u sahli doona dadka reer Somaliland in ay ka hellaan xafiiskaasi fiisooyinka dal ku galka dalka Emirateka Carabta, waa markii ugu horaysay ee dal ku yaalla khaliijka carbeed uu aqbalo in dalkiisa lagu soo gallo baasaboorka Somaliland.
Dadka reer Somaliland ayaa dhib weyn kala kulmi jiray inay wakhtiga xajka dalka Sacuudiga ugu safraan baasaboorka Somaliland, balse arrintani uu Emirateku ugu fasaxay dhulkiisa baasaboorka Somaliland ayaa u gogol xaadhi karta inuu Sacuudiguna sidoo kale fasaxo baasaboorka Somaliland, baasaboorka Somaliland ayaa hadda lagu taga dalalka Jibouti, Ethiopia iyo UK.