Deg Deg: Taageerayaal Kala Taabacsan Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Isku Faro Saaray Deegaanka Farawayne+Sababta

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Farawayne oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Farawayne oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ay isku faro saareen taageerayaal kala taabacsan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

Waxaana xoguhu tibaaxeen in isku dhaca taageerayaashani ay ka dhalatay kadib markii taageerayaal ka tirsan xisbiga KULMIYE ay isku dayeen inay calanka xisbiga WADDANI ka rogaan goob uu ku yaalay isla markaana ay ku badalaan calanka xisbiga KULMIYE,waxaana talaabadaasi ka xanaaqay taageerayaasha xisbiga WADDANI,waxaana halkaasi ka dhashay isku dhaca labada taageero.

Wax khasaare ah kamay dhalan marka laga reebo dhaawacyo fudud oo kasoo gaadhay dhagaxaantii ay isku tuurtuurayeen sida ay noo sheegeen dad ku sugan deegaanku.

Deegaanka Farawayne ayaa saaka waxa lagu arkaya sida naloo sheegay ciidamo la geeyey goobta oo sugaya amaanka deegaanka Farawayne.

Comments

comments