Somaliland: “Wasiirro Itoobiyaan Ah Ayaanu Kala Hadlaynaa Barnaamijkii Berbera Corri-door” wasiir Xirsi

Date:

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta socdaal shaqo ugu ambo-baxay dalka Itoobiya oo uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Khaarajigu ay la balansan yihiin inay kulamo lagaga wada hadlayo mashruuca Berbera Corri-dooray kula yeeshaan Addis-ababa Wasiirro ka tirsan dawladda Itoobiya.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo intii aanu dalka ka dhoofin warbaahinta kula hadlay madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeedada safarkiisa. “Waxaan Maanta (shalay) u baxayaa safar kooban oo aan ku tagayo Addis ababa waxa igaga horeeya Wasiirkii Arrimaha dibada, balan ayaanu halkaas ku leenahay taas oo aanu la leenahay Wasiirro ka mid ah dawlada Itoobiya sida Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka hawlaha guud iyo waddooyinka, wasiirradaas waxaanu kala hadli doonaa barnaamijkii wadada Berbera Corri-door, taas oo shirarkeedu muddo dheer socdeen, shirkaas ayaanan halkaas kaga qayb galayaa dhakhsana waan u soo noqonayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wasiir Xirsi oo ka hadlayay xaaladda Buuhoodle Iyo socdaalka Wasiirka Caafimaadku ku Joogo, waxa uu yidhi “Deegaanka Buuhoodle waa deegaan Somaliland maantana waxa ku sugan Wasiirka Caafimaadka, waxaanan aad ugu hambalyeynayaa waanay jiraan hirdanka siyaasada ee inoo dhaxeeya gobollada innagu xeersan ee ay ka mid tahay Soomaaliya, laakiin cidi iskuma hayso xuduuda Somaliland waxanaan mar walba aaminsan nahay inay Buuhoodle dalkayagii iyo dadkayagii tahay, wixii kale ee deel -qaaf ah ee lala yimaado ee hub iyo rasaas ah iyo abaabul ah waanu ka soo horjeednaa, waanan ka digaynaa waxaanan leenahay ummada nabadeeda ha loo daayo.”

Geesta kalena waxa Wasiirku uu jawaabo ka bixiyay dhawr su’aalood oo shalay Weriyeyaal kala duwani waydiiyeen. Waxaana ka mid ahayd maxaad kaga jawaabaysaa eedo uu kuu soo jeediyo Boqor Buur-madow iyo hirdan siyaasadeed oo la sheego inuu idinka dhexeeyo Wasiirka Duulista iyo waliba tibaaxo sheegaya inaad madaxweynenimo doonayso mustaqbalka, waxaanu yidhi

“Boqorku waxa uu ka mid yahay boqorrada Somaliland, laakiin marka ay timaado siyaasad, siyaasadda waxaynu u samaysanay xisbiyo ee reero umaynaan samaysan, reerana waa wixii aynu ka guurnay, Kursiga madaxweynuhuna maaha kursi banaan oo Somaliland ka dhaxeeya balse madaxweynahayaga ayaa ku fadhiya isaga ayaanan kula shaqeeyaa oo aan ku dhisayaa.

Mustaqbalkana haddii ay timaado siyaasadda maxaad yeeli doontaa maalintaas iyo warkeeda, haddii ay noqoto han ma leedahay, maalintaas iyo warkeeda aan gaadhno wixii joogana waynu u wada taagnaan, laakiin haddii ay noqoto inaan damac yeesho marka aan la tashado dadkayga ee ay ku qancaan dadka wixii aanu tallo wadaagnaa laakiin maanta lama joogo. Wasiirka Duulistana isma Hayno oo Waa Wasiir Saaxiibkay ah.”

“Nin kaanbayn guryo ku dhuunta ma ihi haddii aan olole gelayana waan caddeeyaa, markaan kaanbaynka galana Sanqadhaydu aad ayey u weyn tahay oo ma ihi dadka Sanqadhoodu hoosayso ama saamayntoodu yar tahay,”ayuu ku dooday Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...