Somalia: Doorashadii Maamulka Jubboland Oo Dhacaysa Khamiista Iyo Beesha Caalamka Oo Digniin Horleh Soo Saartay

Date:

Doorashadii Maamulka Jubboland Oo Dhacaysa Khamiista Iyo Beesha Caalamka Oo Digniin Horleh Soo Saartay

Wadamada caalamka ee saaxiibka la ah soomaaliya ayaa ka digay in doorashada khamiista ka dhacaysa maamulka Jubboland ay horseedo qalalaase iyo gacan ka hadal ka dhaca magaalada Kismaayo.

Warsaxaafadeed ay ay si wada jir ah u soo saareen wadamada iyo ururada caalamiga ah eek ala ah qaramada midoobay , Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, AMISOM, Itoobiya, Infgiriiska, Canada Finland, Germany, Italy, Kenya, Holland, Norway, Sweden, Turkey iyo Uganda ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashada maamulka Jubboland ay la kulmeen wakiilada Beesha Caalamka, si ay ugu dhiirigeliyaan inay gaadhaan heshiis keena hal nidaam doorasho oo loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah, kuna dhaca nabadgelyo.

Warsaxaafadeedka ay ururadan caalamiga ah iyo wadamada saaxiibka la ah soomaaliya soo saareen ayaa u dhignaa sidan “Waxaan ka welwelsanahay in heshiiskaas oo meesha ka maqan ay suuragal tahay xasilooni darro iyo kala qeybsanaan ku timaada Jubbaland..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka oo dhinaca kale caddeysay in Doorashada la qorsheeyay 22-ka bishan Ogost darteed ayey ugu baaqday dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka waantobaan fal kasta oo keeni kara qalalaase iyo gacan-ka-hadal.

Waxaa qoraalka Beesha caalamka lagu soo dhoweeyay dadaalka AMISOM ku dooneyso inay ku abuurto xaalad nabadgelyo, waxaana lagu dhiirigeliyay inay xiriir iyo wada shaqeyn yeeshaan ciidamada ku wada sugan magaalada Kismaayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...