USA: Xiisad markale ka dhalatay wiil madow oo ay Booliiska dileen

Mudaharaadyo rabshado wata ay ka dhacay magaalada St. Louis ee gobalka Mossouri ee dalka Maraykanka kadib markii ciidamada booliiska ay dileen wiil da’a yar oo madow ah xili ay ku jireen hawlgal la dagaalanka daroogada ah.

Booliiska ayaa sheegay in wiilkan xalay la dilay oo ahaa 18 sano jir uu sitay bistoolad xili ciidamada ay doonayeen inay galaan guri lagu sheegay in lagu iibiyo daroogada, waxayna askarta rasaasta fureen markii wiilkaasi uu bistoolad lasoo baxay, sida uu sheegay taliska booliiska.

Dhacdadan ayaa keentay in qaar kamid ah dadka madow ay banaanbax ka dhigiin magaalada St. Louis, waxayna dhagaxaan iyo dhalooyin ku tuureen ciidamada. Dadka banaanbaxayey ayaa sidoo kale dab qabad siiyey guryo, gaadiid iyo waliba calanka Maraykanka.

Gobalka Mossouri ayaa lagu xasuustaa rabshadihii ka dhacay magaalada Ferguson oo ay sidan oo kale rabshado ka dhaceen kadib dilkii loo geystay wiil madow oo lagu magacaabo Michael Brown oo uu dilay askari cadaan ah.

Dadka madow ee Maraykanka ah ayaa muddooyinkii danbe ka banaanbaxayey falalka ay ku kacaan ciidamada Booliiska Maraykanka oo ay ku eedeenayaan inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dadka madow xataa hadii aysan wax hub ah sidan, waxaana jira dilal badan oo ay ciidamada u geysteen dhalinyaro madow oo badan kuwaasi oo qaarkood aan wax danbi ah geysan ama kaliya loo dilay tuhun laga qabay.

Comments

comments