Turkey: Weerar lagu qaaday Xarun Booliis iyo Qunsuliyada Maraykanka ee ku Taal Istanbuul

Waxaa xalay saqdii dhexe weerar bambaano lala beegsaday xarunta Booliiska ee ku taal xaafada Sultanbeyli ee duleedka magaalada Istanbuul.

Weerarkan ayey ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan shan askari oo booliis ah iyo labo qof oo rayid ah.

Qaraxan ayaa burbur xoogan u geystay daarta xaruntaasi Booliis ku tiilay oo ay qeyb kamid ah soo duntay kadib dab halkaasi ka dhashay, waxaa sidoo kale burbur soo gaaray qaar kamid ah guryihii u dhawaa xaruntaasi iyo gawaari badan oo tiilay nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay.

Weli cidina ma sheegan weerarkan bambaano balse waxaa loo badinayaa inay ka danbeeyaan kooxda Kurdida ee PKK oo todobaadyadii lasoo dhaafay weeraro kala duwan la beegsanayey ciidamada Turkida.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili ay dowlada Turkiga dagaal kula jirto PKK iyo kooxda ISIS oo labaduba weeraro ka geystay gudaha dalkaasi.

Weerar Qunsuliyada Maraykanka

Dhinaca kale koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday Qunsuliyada Maraykanka ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Rasaasta ay is dhaafsadeen ciidamada illaalineysay Qunsuliyada Maraykanka iyo kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu hal qof ku dhaawacmay.

Ciidamada ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ku jirtay haweenay hubeysan, waxaana la sheegay in kooxdaasi weli lagu raadjoogo.

Comments

comments