Somaliland: Marwadda Koowaad Iyo Masuuliyiin Kale Oo Gurmad Gaadhsiiyay Degmadda Agabar

Date:

Marwadda koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris), oo ay weheliyaan gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubo wasiirro ah ayaa maanta caawimo gaadhsiiyay dadka ku nool degmadda Agabar ee gobolka Gebilay.

Caawimadaasi oo ahayd mid loogu tallo galay dadka ay taabatay abaaraha baahsan eek a jira degaankaasi, caawimadaasi oo ay ka mid ahaayeen gaadiid ay degmadu ku shaqayso. Gurmadkaasi ay Marwada koowaad gaadhsiisay bulshadda Agabar oo ka koobnayd raashin iyo agab kale oo ay xukuumaddu ugu tallo gashay dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool degmadaasi Agabar.

IMG_6655

Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaadhsiiyey ku dhawaad 150 guri oo abaarahuhu saameeyeen, deeqdaas oo hordhac u noqon doonta qorshaha xukuumada kaga aadan ka jawaabida baaqa abaaraha ee ka taagan gobolada galbeedka dalka.

Safarkaasi weftiga ay marwadu hogaaminaysay ku tegeen Agabar oo ay ujeedadiisu ahayd ka jawaabida baahiyaha aasaasiga ah ee degmada oo ay uugu muhiimsanayeen wax ka qabashada baaqii abaareed ee maalmihii u dambeeyey ka taagnaa gobolada galbeedka Somaliland iyo sidoo kale sidii loogu wareejin lahaa gaadiid ay isticmaalaan maamulka degmadu oo baahi badan loo qabay.

Weftigaasi oo ay xubno ka ahaayeen marwada koowaad Aamina-weris, wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale maamulka degmada iyo ka gobolka ee Gabiley. Weftigaasi ayaa markii ay gaadheen degmadda Agabar waxaa halkaasi si ballaadhan ugu soo dhaweeyay bulshadda degmadaasi.

IMG_6621

Marwadda oo hadal ka jeedisay madashii ay caawimadda ku gudoonsiinaysay ayaa dadweynaha reer Agabar uga mahad naqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyada iyo weftigii ay hogaaminaysay. Waxaanay tidhi “Degmada Agabar waa degmo qaali ah, waa degmo waxyaabo badan oo ay Somaliland u baahan tahay koobsatay oo ay ku caanbaxday, waana degmo aanu aad iyo aad ugu haynahay, waanad ku mahad santihiin soo dhawayntiina qaalilga ah ee aad na soo dhawayseen ee aan maanta oo kaliya ahayn, waxaan xasuustaa wakhtigii olaha doorashada aynu ku jirnay sidii aad noo soo dhawayseen, aad iyo aad ayaad u mahad santihiin baan idin leehay.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa iyadna halkaasi ka hadashayw waxaanay tidhi “Anigu agabar waa markii tobnaad ee aan imaado, waa meel aan si wanaagsan u aqaano, mar ay mashaqo ka jirto iyo marar kale oo badan, waa meel aan dhibaatadeeda iyo wanaageedaba ogahay, maanta oo ay baari ka jirtana waanigan imi iyada oo aanu ugu talo galnay kun qoys raashinkood”.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xafladaasi ka hadlay, waxaanu kaga hadlay qoraal uu xalay ku daabacay mareegtiisa guusha.com, waxaanu ku yidhi “Waxaan maanta (shalay) socdaal isugu jira u kuurgalida xaaladaha abaareed iyo gudoonsiinta mashaariic horumarineed aan ku gaadhnay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley”.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine.

“Dhawaan markii aannu halkan idiinku nimi aniga iyo dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Gabiley ka kooban yahay iyo isu-duwayaashu oo aannu laba maalmood halkan Agabar idinla joognay, waxa shirarkii aannu waxgaradka la yeelanay isla qaadanay in saddex qodob ka fulaan dhanka xukuumadda oo kala ahaa; in degmadu hesho dhismaha maamulka oo la muujiyo astaanta dawladnimada, in la helo baabuur uu ku shaqeeyo Guddoomiyaha degmadu iyo in la helo gaadhiga gurmadka caafimaadka (Ambulance),” ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Shiine.

Ugu dambayn masuuliyiintaasi ayaa dhagax dhigay dhisme ay ku shaqayn doonaa maamulka degmada Agabar kaasi oo wax badan ka tari doona dardar gelinta hawl maalmeedka maamulka ee degmadda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...