Somaliland: Madaxweyne kuxigeenka oo isugu yeedhay Hay’adaha Samafalka.

Date:

ulan Laga Hadlaayey Sidii Hay’addaha Samafalku uga Qeyb Qaadan Lahaayeen Gargaarka Abaaraha Saameeyey Gobolada Galbeedka Somaliland oo uu shir gudoominaayey madaxweyn eku xigeenka Ayaa Ka Qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada.

Waxaa beryihii ugu danbeeyey qaar ka mida gobolada galbeedka Somaliland saamaysay abaar xoogan oo dadka deegaankaasi ay kasoo yeedhaysay dhawaaq qeylo dhaan abaareed iyo biyo la’aan islamarkaana ku aadanaa Hay’addaha iyo Dawlada Somaliland, ayaa waxaa beryihii ugu danbeeyey socday kulamo lagu gorfaynaayey sidii looga wada qeyb qaadan lahaa mucaawimo gar gaara oo la gaadhsiiyo dadkaasi dhibaataysan.
Hadaba kulan uu hogaaminaayey Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Isaamciil (Saylici) islamarkaana ay wehelinaayeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, La-taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaligaa Mudane. Cabdifataax Siciid Axmed iyo Gudoomiyaha Haya’adda Nerad ee Aafooyinka Dabiiciga ah ayaa shir la yeeshay Hay’addaha Samafalka iyadoo kulankaasi lagaga wada hadlay qorshihii lagu waajihi lahaa sidii looga wada qeyb qaadan lahaa kaalmada abaareed ee dad iyo xoolaba haleeshay.
Kulankan dhex maray Masuuliyiinta Xukuumada iyo Hay’addaha Samafalka ayaa daarnaa sidii looga jawaabi lahaa dhawaaqii abaareed ee kasoo yeedhaey deegaanada Galbeedka Somaliland oo ay ku dhufatay Abaar xoogani sidoo kalena ay weheliso biyo la’aan baahsani, masuuliyiinta Xukuumada ee uu horkacaayey Madaxweyne ku xigeenku ayaa hay’adaha samafalka usoo bandhigay doorka xukuumadu ku leedahay gargaarka degdegaa ee loo fidinaayo dadkaasi dhibaataysan sidoo kale hay’addaha looga baahan yahay inay si deg deg ah uga qeyb qaataan gargaarkaasi una gurmadaan shacbiga iyo xoolaha.
Hay’addaha samafalka ayaa dhankooda soo bandhigay inay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gargaarkaasi iyo mucaawimada la gaadhsiin doono gobolada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen, iyagoo kulankaasi dhexmaray iyaga iyo xukuumadaba kaga jawaaby balanqaad dhankooda wixii kaga soo hagaaga inay diyaar u yihiin.
Si kastaba ha ahaatee Abaarahani ayaa saameeyey qaar kamida gobolada galbeedka Somaliland iyadoo in badan meelaha qaar ay ku dhinteen xooluhu halka dadka qaarkiina u geeriyoodeen haraad biyo la,aaneed waxaa muuqata Dedaalka Xukuumada ugu jirto gurmadka deegaanadaasi iyadoo horena madaxweynuhu baaq qaylo dhaana uga soo saaray sidii wax looga qaban lahaa looguna gurman lahaa dad iyo duunyaba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...