Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Qaabilay Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Ee Qarramadda Midoobay

Date:

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiil Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Qaramada midoobay ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) u qaabilsan oo dalka soo gaadhay.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay arrimo dhawr ah ka wada hadleen“Waxaanu kulan la lahayn Peter de Clercq oo ka socda qaramada midoobay, una qaabilsan arrimaha horumarka iyo xuquuqda aadamaha ee gobolka. Waa ninka ku xiga Nicholas Kay ee qaabilsan horumarka iyo xuquuqda daamaha. Isagoo maanta Somaliland ugu horayso waxaanu kala hadalnay arrimaha ammaanka. Waxaanu u sheegnay in Somaliland tahay wadan xassilloon, waddan dimuquraadiya, waddan, waddan doorashooyinkiisa si wanaagsan u qabsaday, waddan hay’addihiisii dawliga ahaa dhisan yihiin” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inay kala hadleen sidii aanay dhibkii qaramada midoobay loogu gaystay Garoowe halkan u saamayn lahayn ee hay’addaha qaramada midoobay hawlahooda wataan “ Waxaanu aad iyo aad uga hadalnay inaan dhibaatadii ka dhacday Garoowe aan halkan loo saamayn, ee hay’addaha qaramada midoobay si xor ah oo fasax leh u socdaan oo aanay ka warwarin ammaankooda, waayo masuuliyadda ugu weyn ee shaqaalaha UN-tu wuxuu saaran yahay dawladda Somaliland, xil gaar ayaana naga saaran”, ayuu yidhi Mr Yoonis.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay abaaraha iyo dhibaatada maanta jirta, wax uga wada qaban lahayn iyo sidii kolay abaaruhu way soo noqnoqdaana wax lagu xaddido uga wada shaqayn lahayn, imikana aanu isla qiimayno dhibaatada abaarta oo dhakhso naloogu soo gurmado”.

Waxa kale oo uu sheegay inay warbixin ka siiyeen heshiiskiii asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December, 2016 “Waxa kale oo aanu warbixin ka siinay halka uu marayo wada hadalkii ku saabsanaa heshiiskii saddexda xisbi iyo dawladdu wada gaadheen ee doorashada ku saabsanaa oo aanu u sheegnay inay si fiican u socoto” ayuu yidhi Wasiirku.

Mr Peter de Clercq, ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay jawiga Hargeysa oo markii u horaysay uu yimid, islamarkaana waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha iyo wasiiro dhawr ah oo kulanka ku wehelinayay. Waxa uu sheegay inay ka wada hadleen qodobka namada iyo qaxoontiga Yemen ka socda ee iskugu jira Yemeniyiin, Ethiopian iyo Soomaali, kuwaasi oo ay Somaliland kale shaqeeyaan.

11828707_811374765643045_622694080959706635_n11825216_811375605642961_8227521559872190391_n11800403_811375315642990_1413629247482503712_n10981914_811375422309646_6179817386929436598_nDSC0001

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...